HomeMaxkamadda Sare ee Ciidamada Qaranka oo Go'aan Cusub ka soo saartay Xukun...

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qaranka oo Go’aan Cusub ka soo saartay Xukun hore loogu fuliyey Koox Weerartay Xero Ciidan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka ayaa fadhi ay maanta yeelatay  go’aan dib-u-eegis ka soo saartay Xukun maxkamadda derajada koowaad ee ciidanku sannadkii hore ku riday Labaataneeyo Ruux oo weerar u geystay Xerada Milatariga ee Ex-Xerada Soodaanta ee Bariga magaalada Hargeysa.

Xubnahan oo ciidamada Qaranku ku soo qab-qabteen hawl-galka weerarka ee ay Xeradaas ka geysteen, ayaa maxkamada derejada koowaad ee ciidamada Qaranku 17 ka mid ah ku xukuntay Dil, halka ay Shan kalena ku xukuntay Xabsi daa’in.

Go’aanka Maxkamaddu dib eegista ugu samaysay xukunka Xubnahan, ayaa ka dambeeyey ka dib markii Qareennada iyo Ehelladoodu raggani Racfaan ku aaddan dacwaddooda u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo fadhigeeda maanta u go’aamisay wax-ka-beddel ay ku samaysay xukunkoodu kaas oo u dhignaa sidan:

  • 17-ka dilka ku xukunaa waxay xukunkoodii ugu beddeshay midkiiba 20- sanno oo xadhig milateri ah.
  • 5-ta ku xukunaa xabsi daa’inka waxay xukunkoodii ugu bedeshay midkiiba 15-sanno oo xadhig ah .
  • Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranku waxay u cuskatay Xukunkan Qodobada: 109 – 117 xeerka ciqaabta guud iyo Qodobada 120-122-124 ee xeerka Habka Ciqaabta.

Fadhi aan caadi ahayn oo maxkamadda Sare ee ciidamadu dabayaaqada Bishii hore ku yeelatay xarunteeda, ayaa lagu shaaciyey in go’aan kama dambays ah laga soo saari doono xukunka raggan oo badhtamaha sannadkii hore weerar ku qaaday Xero Milatari oo ku taala Bariga Caasimadda Hargeysa, waxaana halkaas ku dhintay saddex ka mid ah Askarta ciidamada Qaranka halka Laba Qof oo ka mid ah Kooxda weerarka ku qaadday ciidanka ay laba qof ka dhinteen.

Dhanka kale, Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ka mid ah madax-dhaqameedka Beesha ay raggani ka soo jeedaan oo goob-joog ka ahaa fadhiga maxkamaddu dabayaaqada bishii hore ku muddaysay go’aan ka gaadhista xukunkooda, ayaa mar uu warbaahinta la hadlay fadhiga maxkamadda ka dib, waxa uu xaqiijiyey inay Beeshiisu heshiis la gaadhay beelaha ay ka soo jeedeen askarta Ciidanka Qaranka ka dhimatay isla markaana ay Dusha u riteen Magta saddexda Askari ee weerarka ku dhintay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories