HomeMaxkamadda Racfaanta Togdheer oo Go'aan ka soo saartay Xukunka Nin loo Haysto...

Maxkamadda Racfaanta Togdheer oo Go’aan ka soo saartay Xukunka Nin loo Haysto Kufsi iyo Dil loo geystay Marxuumad Ugbaad Cali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Burco (SLpost)- Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer, ayaa go’aan ka soo saartay xukun Maxkamadda gobolka Togdheer ku ridday eedaysane Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay inuu Bishii October ee Sannadkan dil iyo kufsi u geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdilaahi.

Dhegaysiga Dawcadda oo saaka ka bilaabmatay Maxkamadda Racfaanka gobolka Togdheer kaddib markii qoyska iyo Qareenka u doodayey Eedaysanuhu racfaan ka qaateen xukun dil ay oo Maxkamadda gobolka Togdheer ku ridday, ayaa gunaanadkeedii waxa ay Maxkamadda Racfaanka Gobolku go’aamisay inay Ayiddo oo aan waxba laga beddelin xukunkii hore loogu riday eedaysanaha.

blankMaxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Sheekh Barre Isaxaaq Barre, ayaa markii fadhiga dhegaysiga dacwaddu soo idlaaday faahfaahin ka bixiyey go’aanka maxkamaddu gaadhay, waxaanu sheegay in Maxkamadda oo tixraacaysa Qur’aanka Kariimka ah, Qodobbada Xeerka Ciqaabka iyo Dastuurka JSL ay soo saartay in dil toogasho ah lagu xukumay gacan-ku-dhiigle Sakariye Cabdi Yuusuf.

Haddaba, waxaanu Muuqaalka Hoose idinku soo gudbinaynaa go’aanka Xukunka uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer

Gacan-ku-dhiigle Sakariye, ayaa markii u horeysay la horgeeyey maxkamadda Gobolka Togdheer oo dacwadda Kiiskiisa dhegaysatay 25-kii bishii October ee 2020, waxaanay markii dambe Maxkamaddu ku riday xukun dil toogasho ah, kaddib markii maxkamadda la horkeenay caddeymo iyo markhaatiyo muujinaya inuu falkaas geystay.

Allah ha u naxariistee Marxuum Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, ayaa sidoo kale ahayd ardayad wax ka baran jirtay Jaamacadda magaalada Burco, waxaana horaantii bishii October falkan kufsiga u geystay Sakariye Cabdi Yuusuf, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehellada la dhashay Marxuumadda oo warbaahinta la hadlay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo 19-kii October 2020-ka ka qayb-galay xaflad loo qabtay arday ka qalin-jabisay Jaamacadda Burco, ayaa amar ku siiyey bahda garsoorka inay dadajiyaan go’aanka kiiska kurfsiga iyo dilka ah ee loo geystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, waxaanu Md Muuse Biixi ballan-qaaday inuu si dhakhso ah u fulin doonto go’aanka maxkamaddu ka soo saarto kiiska marka uu soo gaadho.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories