HomeMaxkamadda Gobolka Saaxil oo Xukun ku ridday Budhcad-badeed Soomaali ah

Maxkamadda Gobolka Saaxil oo Xukun ku ridday Budhcad-badeed Soomaali ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera, (SLpost)–  Maxkamada gobolka saaxil ayaa manta xukun isku mida ku riday koox dhalinyo ah oo sadexdii bilood ee udanbeeyay ku xidhnaa xabsiga magaalada berbera kuna eedeysnaa budhcad badeednimo waxaanay Maxkamada gobolka saaxil ku xukuntay midkiiba(5)shan sanadood oo xadhig ah.

blankKooxdan manta ay xukuntay maxkamada gobolka saaxil ayaa tiradoodu dhameyd(7)todoba nin oo Dhalinyaro ah oo dhamaantood ka soo jeeda maamul goboleedka Somaliya ee Putland waxaana horaantii bishii July ee sannadkan laga Soo qabtay xeebaha bariga Berbera halkaas oo uu ku daadiyay markab nooca Dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushka oo kooxdan budhcad badeeda ah ka soo qabqabtay biyaha Gacanka Cadmeed halkaas oo dagaal ku dhexmaray markabka Ruushka ah ee dagaalka iyo kooxdan Budhcad badeeda ahina keenay in sadex kamida budhcad badeedu ku dhintaan dagaalkaa waxaanu Markabka dagaalku isku dayay in uu kooxdan budhcad badeeda ah ka soo rogo Dekeda Berbera ka hor Intii aanu ku daadin xeebaha bariga berbera waxase ka diiday maamulka dekeda berbera waxaanu Markabka ruushku xidhiidh uu wakhtigaa la soo sameeyay Dekeda berbera uu ugu sheegay in uu sido Koox kaluumeysata ah oo laashkoodi la qaraqmay(La dagay)waxaana sidaas noo sheegay wakhtigaa Hard board masterka dekeda berbera Aadan Xuseen Cilmi(Daved)iyo maareye xigeenka dekeda Cumar Abokor Jaamac waxaanu aakhirkii uu markabka dagaalku uu kooxda budhcad badeeda ah intii nooleyd oo todoba ruux ahaa uu ku daadiyay xeebaha bariga berbera waxaana xeebaha bariga ka soo qabtay Kooxdan budhcad badeeda ah Ciidamada ilalada xeebaha Somaliland,

Guddoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir ayaa waxa uu sheegay in maxkamada La hor keenay kooxdan budhcad badeeda ah tiraba todoba jeer lana dhageystay danbiga lagu Soo Eedeyay ee budhcad badeednimada qaarkamida kooxdanina ay qirteen in ay Falal budhcad badeednimo ka fulinayeen biyaha bada ee gacanka cadmeed,

Waxaanu gudoomiyaha maxkamada gobolku ka hor intii aanu xukunka ridin uu akhriyay magacyada Todobada budhcad badeednimada lagu xukumay oo kala ahaa sidan

1)      Maxamuud Aadan Xirsi oo 30.jira

2)      Cabdifataax Cali Daahir oo 29jira

3)      Maxamed Cumar Maxamed.22jir

4)      Xuseen Maxamed Siciid.        21jir

5)      Maxamuud Salaad Ismacil.   18jir

6)      Jaamac Maxamed Faarax.     23jir

7)      Cabdirisaq C/laahi Shire.        27jir

Waxa kaloo uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil Cismaan Ibraahi(Cismaan Fanax)in uu Qareenka kooxdan budhcad badeeda ah u doodayay qiray laftiisu in ay ahaayeen kooxdani budhcad badeed balse aanay biyaha bada ee Somaliland ka qawlaysanayn ee markabka dagaalka ee ruushku Keenay taasina uu gudoomiyaha maxkamdu ku tilmaamay in ay markhaati cad ku tahay kooxdan Budhcad badeeda ah waxaanu gabagabadii uu ku dhawaaqay gudoomiyuhu qodobada uu ucuskaday Ciqaabta xukunka xadhiga ah ee uu kooxdan budhcad badeeda ah ku fuliyay waxaanay qodobadaasi kala Ahaayeen 234.230.118/73,xeerka ciqaabta guud waxa kaloo uu sheegay gudoomiyaha maxkamdu in uu Kooxdan budhcad badeeda ah mudo sodon cisho ah oo ka bilaabanta maalinta la xukumo uu racfaan ubanaanyahay.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories