HomeMaxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukun iyo Ganaax ku ridday Tifaftaha HCTV iyo...

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukun iyo Ganaax ku ridday Tifaftaha HCTV iyo SOLJA oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun ku riday Tifaftiraha telefishanka HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) oo mudo laba bilood ah ku xidhnaa xarunta dambi baadhista ee magaalada Hargeysa.

Cabdiqaadir Codey oo kiiskiisu ka socday maxkamadda Gobolka Maroodi-jeeh ilaa Bishii November, kuna eedaysnaa Warar telefishanku ka baahiyey gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa Maxkamaddu go’aan ka soo saartay maanta gelinkii hore, waxaanay Maxkamaddu ku xukuntay Hal sano oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somaliland Shiling ah oo ganaax ah.

Xukunkan Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ay ku riday Tifaftire Cabdiqaadir Codey, waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

“Maanta waxa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay xukun ku riday Tifaftirihii HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Coday, kaas oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, iyadoo damaanadii nalaga diiday in lagu siidaayo Cabdiqaadir Coday,” ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Runtii urur ahaan waanu soo dhaweynay xukunkaasi, sifo kasta markii hore ha ku qaldanaadee ama ha loo maree, xukunkaasi waanu soo dhaweynay. Waxaananu doonaynay in aanu marno nidaamka aanu Cabdiqaadir Coday hawshiisa ku dhamayn lahayn, hase yeeshee waxa isla markiiba racfaan ka qaatay go’aankii maxkamadda, Xeer-ilaalinta, taas oo marka nidaamka sharciga ah la eego ay xaqu u leedahay hadii aanay ku qancin xukunkaasi, si anaguba hadii aanu u arkayno in aanu xukunkaasi noo cuntamayn aanu racfaan uga qaadan lahayn.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay oo kale, “Hase yeeshee waxaanu u aragnaa talaabo xukuumaddu ay qaado oo adag ay tahay, markii horeba anaga oo u arkaynay in xukunkaasi sifihii hore ee loo maray aanu sharci ahayn,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

https://www.youtube.com/watch?v=PDv1fVUi4b8

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories