HomeMaxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukun Xadhig iyo Ganaax isugu jira ku Ridday...

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukun Xadhig iyo Ganaax isugu jira ku Ridday Muwaadin Qalinkiisa ku dhaliilay Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta lix bilood oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed ku ridday muwaadin lagu magacaabo Jaamac Cilmi Jiir oo in muddo ah u xidhnaa Maqa uu xukuumadda ku dhaliilay.

Muwaadinkan oo ilaa laba toddobaad ku xidhnaa saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, isla-markaana maanta la horgeeyay Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 600.000 (Lix boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah).

JAAMAC JIIRJaamac Cilmi Jiir, oo ah Muwaadin caan ku ah Maqaalo uu xukuumadda Somaliland ku dhaliilo oo uu warbaahinta Maxaliga ah iyo mareegaha Internet-ka ku baahiyo, isla-markaana loo yaqaano Magaca ah AQOONYAHAN JAAMAC JIIR, ayaa maxkamadu xukuntay ka dib markii markhaatiyo xeer ilaalintu Maxkamada keentay ku caddeeyeen in Maqaalkiisii u dambeeyay ee uu baahiyey uu wasiirrada xukuumadda u qaybiyey Wasiirro maafiyo ah, kuwo ka mid ah urur diimeedyada Xagjirka ah iyo kuwo hantida umadda urursanaya.

Markii xukunku ku dhacay aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir, ayaa ciidamo boolis ahi gaadhi ugu qaadeen dhanka xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu ku dhamaysan doono muddo xileedka lagu xukumay.

Hay’addaha Saxaafada Somaliland, ayaa hore xukuumadda uga codsaday in Muwaadinkan xoriyadiisa loo soo celiyo, iyagga oo sheegay in xadhigiisu muujinayo in fikirka xorta ah oo dastuurka Somaliland fasaxayo la cabudhinayo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories