HomeMaxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukun ka soo saartay Dacwad loo haystay Afar...

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukun ka soo saartay Dacwad loo haystay Afar Wariye iyo ururka SOLJA oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta go’aan ka gaadhay dacwad loo haystay afar Weriye oo lagu eedeeyay inay ka qayb-qaateen Muddaharaad uu Wargeyska Hubaal caddaalad-darro Xukuumadda Siilaanyo kula kacday kaga cabanayey oo ay Weriyeyaasha Magaalada Hargeysa isugu soo baxeen bilo ka hor.

WaeiyayaalMaxkamadda gobolka Maroodi-jeex Hargeysa, ayaa afarta Suxufi saddex ka tirsan midkiiba ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 600.000 Somaliland Shilin ah, ka dib markii ay muddo socotay dacwaddoodu. Weriyaha Afraad oo ahaa Xasan Maal Dhidar oo ka mid ahaa Sawir-qaadayaasha UNIVERSAL TV, ay Maxkamaddu wax dembi ah ku wayday sida uu sheegay Xaakinka dacwaddooda qaaday.

Weriye Siciid Khadar Cabdillaahi oo ka tirsan Bulsho Tv, ayaa sheegay inay caddaalad iyo go’aan geesinnimo leh u arkayaan xukunka ay Maxkamaddu ku ridday marka loo eego eedaymaha loo sameeyey kiiska lagu haystay. “Maanta  waxa noo soo gebogaboobay dacwaddii naloo soo haystay ee aannu baryahan-ba ugu soo noqnoqonaynay Makamadda, waa wax ILLAAHAY loogu mahad-naqo, ILLAAHAY ka sakow waxaannu u mahad-naqaynaa Garsoorihii gacanta ku hayey kiiskayaga Axmed Dalmar, oo aannu ka tirsanayno Caddaalad iyo inuu go’aan geesinnimo leh ka qaatay kiiskayaga.” Sidaa ayuu yidhi Weriye Siciid Khadar oo xukunka ka dib Warbaahinta la hadlay.

Sawir-qaadaha Telefeshinka UNIVERSAL Xasan Maal Dhidan oo sidoo kale Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in wax dembi ah lagu waayey oo ay Maxkamaddu fasaxday, waxaanu u mahad-celiyey Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland oo uu sheegay inay u halgantay xorriyaddooda muddadii ay xidhnaayeen, waxaanu u mahad-celiyey masuuliyiin gacan ka geystay wax ka qabashada kiiskooda.

“Xukuumadda wax cadaawad ahi nagama dhaxayso, laakiin waxa jira Rag u dhexeeya Saxaafadda iyo Xukuumadda oo isku dira. Anigu waxaan ahay eedaysanaha labaad ee ay maxkamaddu fasaxday. Waxaanan u mahad celinayaa Garsooraha Caddaaladda naga yeelay. Waxa kale oo aan si gaar ah ugu Mahad-naqaynaa Warbaahinta madaxa-bannaan ee noo halgantay intii aannu xidhnayn, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Fadxiya Jaahuur.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Maal Dhidar.

Hase-yeeshee, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka Maxkamadda, hase-yeeshee ay Urur ahaan Racfaan ka qaadan doonaan. “Go’aanka Maxkamadda waannu soo dhawaynaynaa, hase ahaatee, waxaannu ka qaadan doonnaa Racfaan, waayo Afartan Weriye wax dembi ah may gelin, waxa lagu eedeeyey inay Muddaharaad Hargeysa ka dhacay ka qaybqaateen, laakiin waxay ahaayeen Afar Weriye oo Kamarado duubayey may muddaharaadin ee annagaa muddaharaadka samaynay.” Sidaa ayuu yidhi Xoghaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Afartan Weriye ayaa markii ay muddo toddobaad ah ku xidhnaayeen Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxa dammaanad ku sii-daayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland Farxiya Jaahuur.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories