HomeMaxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Muddaysay Dacwad Madaxtooyadu Dabada Ka Riixayso Oo Loo...

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Muddaysay Dacwad Madaxtooyadu Dabada Ka Riixayso Oo Loo Haysto Wargeyska FOORE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa Maanta oo Sabti ah Muddaysay Dacwad ciqaab ah oo Madaxtooyadu dabada ka riixayso oo lagu soo oogayo Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE, Wakhti Guddoomiyaha Wargeyska FOORE damaanad dibadda ku joogo kadib xadhigii dhawaan loo gaystay.

FOOREQoraal Maanta ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamaddaasi Mudane Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil laguna socodsiiyey Taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyada (C.I,D), Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo isagu ahaa masuulka Damiintay Guddoomiyaha FOORE, ayay maxkamaddu ku muddaysay Maalinimada Isniinta ee Bishan June tahay 13-ka in fadhiga koowaad ee dacwaddaasi bilaabmi doonto.

Waxa xusid mudan in Dacwaddan Wargeyska FOORE lagu soo oogayo maxkamaddu ku sheegtay in ay tahay dacwad ciqaab ah oo loo cuskanayo qodobada 328, 71, 215, 518, iyo 383 Ee Xeerka Ciqaabta Guud, kaasi oo gabi ahaanba sharci darro ah maadaama sharciga dalka u yaallaa dhigayo in dacwadaha saxaafadda ka dhanka ah loo mari doono xeerka Saxaafadda Somaliland iyo habka madaniga ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Sirdoonka qaranku goob huteel ah inta ay ka kaxaysteen Guddoomiyaha Wargeyska FOORE Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim uu muddo dhan 7 maalmood ku xidhnaa xarunta ciidanka Dambi baadhista Somaliland gaar ahaan qaybta lagu xidho maxaabiista argagixisada ku eedaysan, kadib markii wargeysku wax ka qoray danaha dhaqaale ee Madaxtooyada ugu jira heshiiska wareejinta Dekedda Berbera.

Dacwadaha iyo xadhiga saxafiyiinta ayaa si xawli leh u kordhay tan iyo mudadii ay xukuumadda xisbiga KULMIYE talada haysay lixdii sano ee ugu dambeeyey iyada oo ay wakhtigan xayiran yihiin wargeysyo dhawr ahi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories