HomeMaxkamadda Distooriga ah oo Kulan la yeelatay Ururrada Bulshada Rayidka iyo Arrimaha...

Maxkamadda Distooriga ah oo Kulan la yeelatay Ururrada Bulshada Rayidka iyo Arrimaha laga wada-hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

UBRHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamada Distooriga ah ee Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilo ka socda qaybaha bulshada rayidka ah, waxaanay ka wada-hadleen aragtida ay ka qabaan Khilaafkii ka dhashay Dib u dhaca Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Kulanka Dhexmaray Maxkamadda Sare iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa daba-socda kulan ay shalay la yeelatay guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran, waxaanay kulamadani qayb ka yihiin talo-wadaag maxkamaddu dhinacyada Doorashooyinku khuseeyaan kala yeelanayso go’aan ka gaadhista Tafsiir Sharci oo madaxweynaha Somaliland ka dalbaday Maxkamadda, kaas oo la xidhiidha sidii ay Maxkamadda Dastuuriga ahi fasiraad ugu samayn lahayd Qodobbo ka mid ah Heshiis is-af-garad oo dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda iyo sidoo kale Qodobbo ku jiray Go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda, kuwaas oo labadooduba ka hadlaya muddada ay doorashooyinku ka dhacayaan dalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN

Fasiraadda Sharci ee madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Maxkamadda Sare oo ah laba qodob, waxa uu madaxweynuhu kaga dalbaday inay fasiiraad sharci ka bixiyey laba qodob oo ku kala jiray Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuuumaddu ku xaliyeen khilaaf siyaasadeed oo dib-u-dhaca doorashooyinka ka dhashay iyo Go’aankii muddo-kordhinta Guurtida, kuwaas oo mid kastaaba gaarkiisa u tilmaamayo muddada ay qabsoomayaan doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu.

Waxa uu madaxweynuhu Maxkamadda ka dalbaday inay fasiraad sharci ka bixiso Qodobka 3aad ee Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda oo dhigayey inay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoonto bisha December ee sannadka 2016-ka iyo Farqadda B, Qodobka 5aad ee Go’aankii Golaha Guurtidu 14-kii May ee sannadkan muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, qodobkaas oo dhigaya in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu qabsoomaan Hal bil ka hor dhammaadka muddo-xileedka la kordhiyey oo ku beegan bisha April ee sannadka 2017-ka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories