HomeMaxkamadda Degmada Gabiley oo ka gar-naqaysa Dacwad u dhaxaysa Xisbiga Kulmiye iyo...

Maxkamadda Degmada Gabiley oo ka gar-naqaysa Dacwad u dhaxaysa Xisbiga Kulmiye iyo Suxufiyiin xadhiggooda loo maray sifo Sharciga baalmarsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Damaqa dhacdada Weriyeyaashu tabiyeen, Doodda Badhasaabka Gabiley iyo Digniinta Ururka Suxufiyiinta

Gabiley (SLpost)-  Maxkamadda degmada Gabiley, ayaa lagu in la horgaynaa Laba wariye oo ka hawl-gala saxaafadda madaxa-bannaan ee gobolkaas oo ciidamada booliska ee magaaladaasi Xabsiga ugu taxaabeen shalay iyo dorraad dacwad maamulka heer gobol ee Xisbiga Kulmiye ka gudbiyey suxufiyiinta oo lagu eedeeyey inay ka been-abuureen isla markaana war xaqiiqada ka fog ka tabiyeen Xaflad xisbiga Kulmiye dorraad Khamiistii ku qabsaday magaalada Gabiley.

badhasaabkaWariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo telefishanka Madaxa-bannaan ee HCTV uga hawl-gala gobolka Gabiley, ayaa habeen hore ciidamada boolisku Xabsiga u taxaabeen, halka wariyaha labaad oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo telefishanka SOMSAT uga hawl-gala gobolkaas ay Ciidamada booliska gelinkii dambe ee shalay ku xidheen Saldhigga Dhexe ee magaalada Gabiley oo labadooduba ku xidhan yihiin, ka dib markii, sida la sheegay, maamulka heer Gobol ee xisbiga Kulmiye dacwad ka gudbiyey labada Weriye oo ay ku eedeeyeen inay war been abuur ka tabiyeen Xaflad xisbiga Kulmiye Khamiistii dorraad taageerayaashii ugu qabtay magaalada Gabiley, waxaana la filayaa in maanta la horgeeyo Maxkamadda degmada, sida uu sheegay badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Shiine.

Barxadda hore ee Hotelka ay ka socotay Munaasibad ballaadhan oo Xisbiga Kulmiye taageerayaashiisa ugu qabtay, waxa rabsadho ka hordhigay dhalinyaro gadoodsan oo ka soo horjeedday xisbiga, kuwaas oo goobta xafladdu ka socotay dab ku qabadsiiyey calanka midabadda Cagaarka iyo Huruudda isugu jira ee astaanta u ah Xisbul-xaakimka, waxaanay weriyeyaashu war ka tabiyeen dhacdadii goobta ka socotay gelinkii hore Khamiista.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamed JubaHaseyeeshee, Badhasaabka Gobolka Gabiley Md Mustafe Cabdi Shiine oo Wargeyska Himilo xalay khadka telefoonka ku weydiiyey sababta ka dambaysa xadhigga labada Suxufi ee waajibaadkooda gudanayey iyo Cidda ay u xidhan yihiin, ayaa ku dooday in labada weriye war xaqiiqada baalmarsan oo samays ah ka baahiyeen xafladda xisbiga, ka dib markii, sida uu sheegay, is-maan-dhaaf dhexmaray maamulka gobolka ee xisbiga Kulmiye.

Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Shiine waxa uu dafiray isla markaana waxba kama jiraan xaqiiqada ka fog ku tilmaamay calanka Xisbiga Kulmiye oo dhalinyarada gadoodsan Khamiistii ku gubeen magaalada Gabiley, kaas oo uu masuuliyaddeeda inay ka dambeeyeen ku eedeeyey wariyeyaasha xidhan, haseyeeshee guddoomiyaha gobolku ma sheegin caddeyn ay u hayaan eedaynta uu labada suxufi dusha ka saaray marka laga reebo muuqaalka telefishanka laga baahiyey oo sida uu ku dooday u muuqday mid samays ah.

“Xisbiga Kulmiye la yidhaahdo, ayaa shalay (Dorraad) qabsaday xaflad, dabadeedna ninkii meesha maamulayey iyo labadan weriye ayaa is-afdhaafay, wariyeyaashina intay xafladdii dafireen bay war iska samaysteen aan jirin ayay warkii direen, laba qof oo calan gubaya oo wejiyadooda la qariyey ayuunbaa la arkayey, weriyeyaashu wixii ay baahiyeen may ahayn wax meesha ka dhacay,” sidaas ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Gabiley.

Guddoomiye Mustafe Shiine oo aanu weydiinnay cidda Bixisay Amarka lagu xidhay weriyeyaasha, waxa uu sheegay in gadood taageerayaasha xisbigu sameeyeen iyo dacwad uga timi hoggaanka gobolka ee Kulmiye awgeed loo xidhay, isla markaana maanta la horgeyn doono Maxkabadda gobolka Gabiley.

Mukhtaar Nuux Ibraahim“Nimankaa wariyeyaasha ah waxa loo xidhay dacwad Xisbiga nooga timi iyo taageerayaasha xisbiga ee Cadhooday annaga oo ammaankooda eegayna, ayaanu u xidhnay. Guddoomiyuhuna (Guddoomiyaha Kulmiye ee Gabiley) warqad buu noo soo qoray uu kaga dacwoonayo anigiyo Taliyaha Qaybta, immikana way ku xidhan yihiin saldhigga oo ay caawa (xalay) ku dhamaysanayaan Aroortana (Saaka) arrintooda Maxkamaddaanu isu dhaafinaynaa oo aanu geynaynaa,” ayuu yidhi Mustafe-Shine.

Badhasaabka gobolka Gabiley oo la weydiiyey ujeeddada mudaharaad shalay ka dhacay magaalada Gabiley, waxa uu ku sheegay inay ahaayeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo ka gadooday warka laga baahiyey telefishannada, waxaanu yidhi, “Waxa gadooday dadkii xafladda soo qaban-qaabiyey, taageeraayashii iyo dhalinyaradiina oo ka xanaaqday, taas awgeed annagoo ammaankooda eegayna ayaanu u xidhnay wariyeyaasha.”

Sida uu sheegay Badhasaabka gobolka Gabiley, Maamulka gobolka ee Xisbiga Kulmiye waxa uu dacwaddiisa u gudbiyey Badhasaabka iyo taliyaha qaybta Booliska oo bixiyey amarka xadhigga labada wariye oo la horgeynayo Maxkamadda degmada oo maanta ka garnaqaysa dacwad aan hore loogu gudbin.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA AKHRISO HALKAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories