HomeMaxkamadda Ciidamada Qaranka oo Xukunno Dil iyo Xabsi daa’in isugu jira ku...

Maxkamadda Ciidamada Qaranka oo Xukunno Dil iyo Xabsi daa’in isugu jira ku ridday qaar ka mid ah Malleeshiyo-beeleed shalay Weeraray Ciidamada Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Ciidammadda Qaranka Somaliland, ayaa maanta fadhi ay yeelatay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka waxay xukuno dil iyo xabsi daa’in iskugu jira ku xukuntay qaar ka mid ah 28 malleeshiyo beeleed oo shalay lagu qabtay weerar ay ku qaadeen saldhigga ciidamada qaranka ee Bariga Caasimadda Hargeysa.
Xukunka lagu riday kooxdan oo dhegaysiga dacwaddoodu saaka 7:30 subaxnimo ka bilaabmay maxkamadda ciidamada Qaranka JSL ayaa lagu sheegay in 17 ka mid ah malleeshiyo-beeleedkan lagu xukumay dil toogasho ah, 5 kalena lagu xukumay xabsi daa’in halka saddex kalena xorriyaddooda loo soo celiyey ka dib markii ay ku caddaan weyday inay ku lug lahaayeen Dambiga Qaranka laga galay.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada JSL Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud oo waraabinta u warramay ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey natiijada ka soo baxday go’aanka dacwadda lagu oogey iyo qaraarka maxkamadda.

“Saaka Todobadii iyo Badhkii ayey maxkamaddu dacwadda u fadhiisatay dambiga nimankaas loo aanaynayey, galabta Afartii iyo Badhkii ayaa lagu dhawaaqay oo ay soo gabo-gabawday. Maxkamaddu waxay xukuntay 22 ka mid ah oo 17 lagu xukumay dil toogasho ah. Shan ka mid ahna waxay ku xukuntay xabsi daa’in, saddex ka mid ahina dhaawac ayey ahaayeen oo maxkamaddu dib ayey u dhigtay dacwaddooda oo marka la soo daweeyo ayaa kiiskooda la qaadayaa, saddexda soo hadhayna wax dambi ah waa lagu waayey oo waa la sii daayey,” ayuu yidhi Xeer ilaaliye Ibraahim.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu kale oo uu sheegay in 22 ka qof ee xukunku ku dhacay ay maxkamadda horteeda ka qirteen inay iyagu soo weerareen xerada Ciidamada Qaranka iyaga oo hubaysan isla markaana ay maxkamaddu soo xaadirisay markhaatiyaal ku filan si xukunkan loogu rido.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo labada Taliye ee Ciidamada Qaranka iyo Booliska ayaa shalay soo bandhigay saanad milatari oo culus oo laga qabtay kooxda weerarka ku qaadday saldhigga Ciidamada Qaranka ee Soodaani taas oo sababtay dhimashada saddex ka mid ah ciidamada Qaranka, Laba ka mid ah Maleeshiyo beeleedka weerarka soo qaaday iyo laba qof oo Shacab ah.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories