HomeMaxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Xukun ku ridday Askari Toogasho ku dilay Alle...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Xukun ku ridday Askari Toogasho ku dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska Arabsiyo

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida ee Somaliland, ayaa maanta gelinkii hore la geeyey Askari shalay toogasho ku dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley oo maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-Case), ayaa shalay gelinkii dambe cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay Toogasho uu kula kacay mid ka mid ah Askarta Saldhigga ee uu xukumayey iyagoo ku sugnaa gudaha magaalada Gabiley.

taliyahaDhaawaca Marxuumka oo isla shalay la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hareysa, ayaa lagu sameeyey qalliin lagaga badbaadinayey Rasaasta uu Askarigaasi ku riday oo qaarkood fadhiisteen jidhka dhexdiisa, sida ay Dhakhaatiirta hawlgalka Caafimaad ku sameeyey qaarkood Warbaahinta u xaqiijiyeen.

Xukunka Maxkamaddu ku ridday Gacan-ku-dhiiglaha

Maxkamaddeynta Askariga ayaa subaxnimadii maanta ka bilaabantay Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa oo ay ku taallo Maxkamadda Miltarigu, waxaana ka qayb galay garsoorka Maxkamadda iyo saraakiil ciidamada ka tirsan.

Maxkamadda ayaa socotay ilaa wakhti dambe oo Xilli salaaddii Duhur la gaadhay, waxaana sida ay sheegeen wararka aanu ka helnay taliska booliska ay sheegayeen in Askariga gacan ku-dhiiglaha lagu xukumay Dil.

Lama oga goorta la fulin doono dilka, hase ahaatee Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka hadlay dilka Sarkaalka, ayaa ku baaqay in si deg-deg ah sharciga loo horgeeyo Askariga dilka geystay, halka Taliyaha booliska oo dhacdada ka dib warbaahinta la hadlay uu wacad ku maray in dhakhso sharciga loo marin doono Askariga Toogashada sameeyay.

“Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidamada qalabka-sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda Qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii Qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fuliyo,” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo madaxweynuhu kaga dareen-celiyey dhacdadaas.

Marxuumka oo Maanta la aasay

Waxa Maanta Xabaalaha Naasahablood ee duleedka Woqooyi Bari ee Magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasay Alle ha u naxariistee Taliyaha shalay la toogtay Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories