HomeMaxkamadda Ciidamada ee Maamul-goboleed Puntland oo xukun Dil ah Ku Ridday laba...

Maxkamadda Ciidamada ee Maamul-goboleed Puntland oo xukun Dil ah Ku Ridday laba Qof oo ku eedaysnaa inay Al-shabaab ka tirsan yihiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Garoowe (SLPOST) — Maxkamadda ciidamada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa maanta xukun ku ridday 2 nin oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab.

Nimankan oo lagu kala magacaabo Cabdirisaaq Xasan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam ayaa Maxakamadda ciidamada ee gobolka Nugaal ee maamulkaasi ku riddey xukun dil ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada ee gobolka Nugaal Axmed Cabdi Bootaan oo isagu xukunka ku dhawaaqay, ayaa sheegay in labadan eedeysane ay maxkamaddu ku riddey xukun dil ah, kaddib markii uu ku cadaaday denbiga lagu soo eedeeyey. “Kadib markii ay maxkamaddu dhegeysatey eedeynta xeer ilaalinta iyo qareemada eedeysaneyaasha, waxay Cabdirisaaq Xassan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam ku xukuntay dil toogasho ah,” ayuu yidhi guddomiyaha Gobolka Nugaal Axmed Cabdi Bootaan.

Dhinaca kale, ragga maanta la xukumay oo iyaguna dhankooda maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay in aysan gelin wax denbi ah, islamarkaana aysan ka tirsaneyn Al-shabaab eedeynta loo soo jeediyeyna ay tahay mid lasoo maleegay, waa sida ay hadalka u dhigeene. “Kiiskan laygu soo eedeeyey waxba kama jiraan, aniguna Shabaab kama tirsani qaraxna ma wadin, howsha lagu soo eedeeyeyna waxan u arkaa mid ay arin kale ka danbeyso..” mid kamid ah eedeysaneyaasha ayaa yidhi.

Cabdirisaaq Xasan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam oo ay ciidamada Puntland ku qabteen magaalada Gaalkacayo bishii November ee sanadkii hore, waxaa sidoo maxkamadda lagu soo bandhigay hub u badan bunbooyin iyo walxaha kale ee qarxa, kuwaas oo la sheegay in wateen xilligii gacanta lagu soo dhigayey.

Xukunkan ayaa ku soo beegmaya dhowr maalmood ka dib markii maxkamaddaas faraceeda gobolka Bari ay xukun kan lamid ah ugu riddey 11 qof oo ku eedeysnaa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu khaarajiyey badhtamaha magaalada Xarunta u ah maalmulkaas ee Garoowe.

 SOMALILANDPOST

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories