HomeMaxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo laashay Dacwado bani'aadamnimada ka dhan...

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo laashay Dacwado bani’aadamnimada ka dhan ah oo loo haystay Madaxweynaha Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hague (SLpost)- Maxkamadda Dambiyada dagaalka Caalamka ee ICC, ayaa Jimchii shlaay shaacisay inay ka noqotay dacwado Xuquuqda Bani’aadamka ka dhan ah oo loo haystay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ka dib markii la waayey caddeymo ku filan oo ku saabsan gal-dacwadeedka laga gudbiyey.

kenyataDacwad-oogaha maxkmadda ICC, Fatou Bensouda ayaa sheegtay inay dib u soo celin karaan dacwadda loo haysto Kenyatta haddii la helo caddeymo cusub, iyada oo sheegtay in caddeymaha maxkamadda horyaallaa ku filnaan waayeen dacwadda.

Garsoorayaasha Maxkamadda ICC, ayaa qoraal ay soo saareen Arbacadii ku sheegay inay muddo hal toddobaad ah u qabteen in xeer-ilaalinta dacwadda ku oogtay Madaxweyne Kenyatta ay maxkamadda hor keento caddeymo ku filan dacwaddiisa, iyagoo xusay in dib u dhac ku yimaadda ay tahay mid ka horimaanaysa cadaaladda, haseyeeshee, go’aanka ay shalay ku dhawaaqeen, waxa lagu sheegay inay inay xeer-ilaalintu ku fashilantay keenista caddeymo lagu qanci karo.

“Caddeymo ku filan uma hayno dacwadda loo haysto Uhuru Kenyatta, taasoo keentay in maxkamaddu ay joojiso dacwadda intay ka helayaan caddeymo cusub,” Sidaa waxa tidhi Garsoore Bensouda oo maxkamadda horteeda kaga dhawaaqday go’aanka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa loo haystaa dacwado ka dhan ah bani’aadamnimada ah oo ka dhacay dalka Kenya intii u dhaxay 2007 ila 2008, xilligaas oo doorasho ka dhacday dalkaas ay keentay in lagu murmo natiijada, taasina ay sababtay isku-dhac dhexmaray taageerayaasha Xisbiyadii doorashada ka qayb-qaatay oo Madaxweyne Uhuru Kenyata iyo isbahaysigiisa lagaga guulaystay. Isku-dhacyadaas ayaa sababay dhimashada 1200 oo qof, halka dad tiradooda lagu qiyaasay 600,000 ay ka barakaceen deegaannadii ay ku noolaayeen.

Bishii October ee sannadkan, ayaa madaxweyne Kenyatta markii u horeysay u hortagay Maxkamadda dacwaddiisu ka socoto oo ku taala magaalada Heague ee dalka Netherland, si uu goobjoog uga ahaado dacwadda loo haysto, isaga oo xilka ku sii wareejiyey ku xigeenkiisa.

Madaxweybe Uhuru Kenyatta oo 52-jir ah ayaa wakhtigaas sababta uu xilka u wareejiyey ku sheegay in isagoo ah madaxweynaha Kenya; isla markaana matalaya malaayiin qof oo Kenyan ah aanay suurta-gal ahayn inuu hortago maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Dhinaca kale, Madaxweyne Uhuru Kenyata, ayaa ka hadlay go’aanka shalay ka soo baxay maxkamadda Caalamiga ahi ku laashay dacwaddiisa, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aankaas isla markaana uu soo dhawaynayo.

“Waxaan aad u danaynayaa inaan xaaskayga ku ordo oo u sheegay waxa dhacaya ee socda,” waxa uu sidaas ku sheegay madaxweyne Kenyatta boggiisa Twitter ka dib go’aanka maxkamadda.

Waxa uu ballan-qaaday inay si wada-jir ah ula dagaalami doonaan Kiisaska dacwaddoodu ku hadhay Maxkamadda isl amarkaana aanu ka hadhayn ilaa meesha laga saarayo dacwadahaas, kuwaas oo loo haysto madaxweyne ku-xigeenka iyo Suxufi ka hawl-gala warbaahinta Kenya.

“Siday sheegayaan, hal kiisbaa meesha ka baxay, laba kale ayaa hadhay oo u baahan in sidan oo kale laga yeelo,” ayuu Kenyatta ku yidhi farriinta uu ku baahiyey twitter-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed, ayaa war-murtiyeed ay ka soo saartay shalay magaalada Nairobi ku sheegtay inay juhdi badan gelin doonaan soo-afjaridda dacwadaha kale ee ka socda Maxkamadda.

“Waanu sii wadi doonaa suulinta dacwadaha kale anigoo isticmaalaynaa awooddii iyo tamartii aanu hore u galinay,” Sidaas ayey Mrs Aamina ku sheegtay qoraalkeeda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories