HomeMaxkamadda Breda ee Netherland oo ku xukuntay Dahir Calsow inuu Raaligelin muddo...

Maxkamadda Breda ee Netherland oo ku xukuntay Dahir Calsow inuu Raaligelin muddo sannad ah ka bixiyo eedo been-abuur ah oo uu ka baahiyey shirkadda Dahabshiil

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dahabshiil-LogoBreda (SLpost)- Maxkamadda magaalada Breda ee dalka Netherlands, ayaa amar ku siisay Dahir Calasow inuu raaligelin ka bixiyo kuna baahiyo dhamaan mareegahiisa muddo sannad ah eedeymo beeno ah oo uu hore uga baahiyey Shirkadda Dahabshiil isaga oo ku xidhiidhiyey faldembiyeedyo beenabuur ah.

Go’aan Maxkamadda Breda soo saartay ayaa lagu sheegay in dhamaan eedaha la xidhiidha argagxisada iyo gabbood-fallada ka dhanka ah warbaahinta ee uu ninkaasi la xidhiidhiyey shirkadda Dahabshiil yihiin qaar la been-abuuray, isla markaana yihiin kuwo aan sal iyo raad loo raaco toonna lahayn.

Maxkamadda ayaa ku amartay Dahir Calasow, oo qoraalo sumcad-dilis ku baahiyey mareegaha uu maamulo ee sunatimes.com, waagacusub.net and waagacusub.info iyo kuwa kaleba inuu muddo laba iyo toban bilood ah (12) ku baahiyo qoraal uu ku caddaynayo in uu ka beenabuurtay shirkadda Dahabshiil, eedaha uu ka baahiyeyna yihiin kuwo aan caddaymaba lahayn, iyada oo la amray in laba usbuuc gudahood, qoraalka raaligelintuna ku soo baxo mareegahiisa.

Eedaha Daahir Calsow la xidhiidhiyey shirkadda Dahabshiil ee maxkamadda Breda diiday ayaa waxa ka mid ahaa dilkii fanaanada Saado Cali Warsame oo laba nin oo ku eedeysnaa lagu helay dembigaa bishii May 2015.

Afhayeen u hadlay shirkadda Dahabshiil oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda ayaa yidhi:

“Waan ku faraxsannahay in maxkamad awood u lihi xaqiiqsatay been-abuurka lanaga baahiyey, fursadna noo siiso in sumcadda wanaagsan ee shirkaddu muuqato. Waxaan rajaynayaa in go’aankani soo gebagebeeyo eedo been-abuur ah oo damboo la baahiyo.

Shirkadda Dahabshiil ayaa hoosta ka xariiqday mowqifkeeda ka dhanka ah dhammaan noocyada argagaxisada, “Waxaan gebi ahaanba ka soo horjeednaa falalka argagxisada, dhamaan noocyadeeda kala duwan, taa bedelkeedana, waxaan maalgelin badan ku bixinay adeegsiga nidaamyada lagaga hortago, waxaanan buuxinay shuruudaha hay’adaha lacagta, iyo dhamaan qawaaniinta caalamka oo ay ka mid yihiin kuwa lagu maamulo Ingiriiska ama UK, (sida UK regulator, the Financial Conduct Authority, iyo hay’adda dusha ka maamusha ee Her Majesty’s Revenue and Customs).”

Ka hor go’aankan ugu dambeeyey, waxa Shirkadda Dahabshiil maxkamad saartay Daahir Calasow November 2010 iyo December 2014, iyada oo maxkamadahaasi ku amreen inuu ku daabaco bogaggiisa ka-noqosha uu ku qiranayo inuu waxyeello sumcadeed ula badheedhay Shirkadda Dahabshiil, oo Soomaali iyo Ingiriisiba ah, isla markaana dadkii uu farriimaha emailska ama Internetka kala xidhiidhi jireyna gaadhsiiyo qoraalkiisa qiraalka ah.

Go’aankan Maxkamadda Breda ayaa ku soo beegmaya xilli ururrada Saxaafadda sida NUSOJ, SIMHA iyo SOLJA ku eedeeyeen Dahir Calsow iyo Cumar Faaruuq inay ku shaqeystaan baahinta eedo been-abuur ah, oo shaqsiyaadka Soomaalida iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ku dibindaabyeeyaan, laaluushna kaga dalbadaan. Ururka SOLJA, gaar ahaan, waxa uu ku eedeeyey nimankaas in ‘ficillada ay ku kacayaan si ulakac ah u waxyeelaynayaan saxaafadda anshaxa mihnadeed leh’.

Qoraal qareenada difaacayey Shirkadda Dahabshiil Bird & Bird soo saareen ayaa u qornaa:

“Go’aankani waxuu xaqiijiyey sumcadda Shirkadda Dahabshiil. Amarka/go’aanka Maxkamadda ee ah in Calasow ku baahiyo dhamaan mareegahiisa qoraal uu ku raaligelinayo Shirkadda Dahabshiil, kuna jiro muddo sannad ah, waa farriin caddeynaysa in ninkaasi ku guuldarraystay inuu wax daliil ah ku ladho beenabuurkiisa uu ka baahiyey shirkadda ee aan meel loo raaco lahayn.”

Shirkadda Dahabshiil oo xarunteedu tahay London, UK, waxa weeye hormuudka ugu balladhan shirkadaha qaaradda laga leeyahay ee lacagaha kala dira Afrika, waana shaqo-bixiyaha ug weyn dhulalka Soomaalida. Waxa Shirkaddu ku hawlgashaa qawaaniin caalami ah oo lagu maamulo isu-dirista lacagaha oo ay ka mid tahay Payment Services Regulation oo lagu maamulo Financial Conduct Authority (FCA) ee dawladda UK.

SOMALILANDPOST.NET

INFO@SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories