HomeSomaliland: Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex oo Xukunno ku Riday Dhowr Weriye

Somaliland: Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex oo Xukunno ku Riday Dhowr Weriye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maanta go’aan ka soo saartay dhegaysiga dacwad loo haystay saddex Suxufi oo magacyadoodu kala yihiin Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdijibbaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif.

blank

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, waxa ay midkiiba sannad iyo Afar Bilood oo xadhig ah ku ridday Guddoomiyaha telefishanka MM TV Maxamed Cabdi Ilig iyo madaxa wararka ee Horn Cable TV Cabdijibaar Maxamed Xuseen.

Maxkamaddu waxa ay xorriyaddiisa u celisay suxufi Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo ka tirsan telefishanka gaarka loo leeyahay ee Gobanimo TV oo xaruntiisa guud ku taallo Hargaysa.

Saxafiyiintan  ayaa ka mid ah 18 wariye oo 13-kii April, 2022 lagu xidhay Hargeysa, kaddib markii ay muuqaallo iyo warbixinno Live ah sameeyeen kacdoon ay sameeyeen qaar ka mid ah maxabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Hargaysa.

Maxkamadda ayaa maalmo kaddib xoriyaddooda u celisay 15 kamid ah suxufiyiinta loo geystay xadhig-wadareedka, halka saddexda kale ee go’aanka xukunkooda maanta la soo saareen ku hadheen xabsiga.

Dhinaca kale, Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Maroodijeex, ayaa xukun 2 sanno ah ku ridday Cabdimaalik Muuse Coldoon oo loo haysto fal-dambiyeedyo kala duwan, kaddib markii maxkamadda gobolka Maroodijeex hore u sheegtay inay wax dambi ah ku weyday Suxufigan.

Haseyeeshee, xeer-ilaalinta Qaranka oo dacwadda ku soo oogtay, ayaa racfaan ka qaadatay go’aankaas, waxaanu kiisku u gudbay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodijeex oo maanta soo saartay xukun isugu jira 2 sanno oo Xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 3 Milyan SLSH.

Qaar ka mid ah suxufiyiinta dalka, ayaa cambaareeyey xukunnada lagu riday suxufiyiinta oo ay ku tilmaameen cabbudhin iyo xad-gudub loo geystay madax-bannaanida saxaafadda Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories