HomeMaxkamada Sare Oo Ku Dhawaaqday Shan Qodob Oo Ay Ku Taageertay Go’aankii...

Maxkamada Sare Oo Ku Dhawaaqday Shan Qodob Oo Ay Ku Taageertay Go’aankii Guurtida Kuna Dadafaysay Heshiiskii Xisbiyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Maxkamada sare ee Somaliland ayaa soo saartay go’aano shan ah oo ay ku fasirtay codsigii madaxweynuu uu ka dalbaday ee la xidhiidhay mudo kordinta ay guurtidu sameeyeen iyo heshiiskii xisbiyada qaranku ay wada qaateen.

maxkmada sare ayaa ayiday go’aankii guurtida doorashadana ku cayintay wakhtigii golaha guurtidu uu u cayimay, halka ay ka laashay hesiiskii xisbiyada qaranku ay wada gaadheen. hadaba go’aankan oo uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Waxa uu u dhignaa sidan “Maxkamadu waxay ku sababaysay aqaraarkeeda asbabahan hoos ku qorayn

In madaxweynuu uu dalbaday kaliyaata in fasiraad lagu sameeyo labada go’aan doorasho ee ay kala tilmaamayaan go’aanka golaha guurtida iyo heshiiska sadexda xisbig qaran.

In aanu madaxweynuu aanu ka dalban maxkmada fasiraad ku saabsan in go’aanka mudo kordhinta madaxweynaha ku xigeenka guurtida iyo golaha wakiiladu uu waafaqsan yahay dastuurka iyo in kale, isla markaasna aana jirin cid durtay.

In aanu jirin heshiis midaysan oo ay guurtida u gudbiyeen intii aanay samayn go’aanka mudo kordhinta, isla markaasna ay xisbiyada qaranku go’aankoodii ku xitiraameen qodobka koowaad go’aankuu kuurtidain ay komishanka doorashooyinku ay cadeeyeen in aanay doorashadu ku qabsoomayn 26-6-20015-ka, mudo xileedka shanta sano ee ay doorashada ku yimaadaan madaxweynaha,madaxweyne ku xigeenka,golaha wakiilada iyo mudada uu kordhiyo golaha guurtidu marka mudadu dhamaato si waafaqsan qodobka 83-aad faqradiisa shanaad iyo qodobaka 42 faqradiisa sadexaad ay leeyihiin ku dhaqan sharci oo isku mid ah. in golayaasha qaranku fulinta iyo xeerdajintu ay isku mid yihiin mudo xileedkooda iyo mudada loo kordhiyo aftidii dastuurka horteed iyo dibadeedba, tusaalena waxa ah in xeer dajintu iyaga oo ku fadhiya mudo kordhin inay abuureen xeerar cusub ay ansixiyeen gudiyo iy masuulyiin qaran,dhinaca kalena aftidii dastuurka ee 2001-dii waxa jiray madaxweynayaal kala duwan oo dalka soo maray saxeexayna xeerar iyo marshuucyo sharci si ay u dhaqan galaan, isla markaasna magacaabay masuuliyiin, waxa kale oo ay qaateen go’aano masiiri ah iyaga oo ku fadhiyay mudo kordhin. in awooda golayaasha kala duwan qaranka marka ay dhamaato mudada ay doorashada ku yimaadeen uu leeyahay golaha guurtidu si waafaqsan qodobka 83-aad faqradiisa shanaad iyo 42 faqrasiida sadexaad dastuurka jamhuuroyada Somaliland, maxkamada dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland waxay soo saartay qaraarkan tafsiirda ah

 

1- Waxay go’aamisay maxkamadu ku dhaqanka xiliga qabsoomida doorashada madaxweynaha,kuxigeenka iyo golaha wakiilada inuu noqdo sida ku cad faqrada B qaybta shanaad ee go’aanka guurtida kuna beegan bil ka hor dhamaadka mudada xilka loo kordhiyay madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo golaha wakiilada oo ku dhamaanaya 27-4-2017-ka.

2-Waxay maxkamadu laashay heshiiskii sadexda xisbi qaran Kulmiye,Waddani iyo Ucid ee ku taariikhysan 27-5-2015-ka mana laha wax dhaqangal sharci ah maadaama oo golaha guurtidu aanay aqbalin soo jeedintii si waxkabadal iyo kaabid loogu sameeyo go’aanka guurtida ee ku taariikhaysan 11-5-2015-ka.

3-Waxay go’aamisay maxkamadu in maalinta doorashada madaxweynaha,madaxweyne ku xigeenku iyo golaha wakiiladu ay noqoto 28-3-20017-ka kuna beegan bil ka hor dhamaadka mudada xilka loo kodhiyay oo ah 27-42017-ka, waana in ay si rasmi ah u soo cayinto gudida doorashooyinka, isla markaasna waa in madaxweynuu uu ku soo saaro digreeto.

4-waxay go’aamiday maxkamdu in mudo xileedka shanta sano ee ay doorasho ku yimaadaan madaxweynaha,madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wakiilada iyo mudada uu kordhiyo golaha guurtidu marka ay dhamaato mudo xileedka shanta sano ah ee doorashada ay ku yimaadaan ay leeyihiin dhaqangal sharci oo isku mid ah.

5-qaraarkan fasiraada ah waxay makamadu soo saartay maanta oo ay taariikhsu tahay 18-8-2015-ka ah.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories