HomeMaxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Maalinta Bariya Ka Garnaqi Doonta Dhacdada Kiiskii...

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Maalinta Bariya Ka Garnaqi Doonta Dhacdada Kiiskii Ugu Layaabka Badnaa oo Fajac Iyo Anfariir Galiyay Bulshada.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa lagu wadaa inay maalinta Berri ah ka gar-noqdo dhacdo layaab iyo amakaag ku abuurtay bulshada, taas oo ka dhalatay aroos ka dhacay magaalada Hargeysa bishan gudaheeda.

Dhacdadan Fajaca iyo Amakaaga Galisay Bulshada Qaybeheeda Kala Duwan Ayaa Ka Dhacday Todobaadadii Ina Soo Dhaafay Magaalada Hargeisa,

Hargeysa: Dhacdo Layaab Leh Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Amartay Guddo-galka Dacwad FACEBOOK-ga AhMid Kamid Xaafadaha Magaalada Hargeisa oo ka tirsan degmada Axmed Dhegax Ayaa Dhawaan Waxa Isku Aroosay Lamaane Wiil iyo gabadh  Waxaana Wiilkan Arooska Cusub Galay Ka Shaqeeyaa Mid Kamida Warshadaha Kala Duwan ee Soosaara Roodhida  La Cuno, Waxaana Uu Tagaa Shaqada Subaxda Hore ee Waabariga abaaro 5:00 subaxnimo, Haddaba Arooskan Cusub Ayaa Markii Ay Wadda Noolaayeen Muddo Kudhow Ilaa Todobaad Wiilkii Gabadha Qabay Maalin uu ka oolay shaqadii sabab xanuun uu ka cabanayey, Waxaa Maalintaasi Badankeedii uu ku qaatay guriga oo ay ku wehelinayeen Ooridiisan Cusub iyo gabadh u Ahayd Misciidan aroosada oo Sidii Dhaqanka iyo caadada Arooska Somalida Ahayd si ay u todoba bixiso saaxibadeed arooskeeda,

Ninkan Guriga Lahaa Ayaan Indho Saarin Gabadhan ooridiisa u Ah minxiisada oo xijaab iyo niqaam ku labisnaan jirtay inta uu guriga joogo.

 

Haddaba Maalintaa Uu Shaqada Ka Oolay Ninkani Oo ilahay Wax Kale Waday Ayaa Waxaa Uu Maqlay Galinkii Danbe Ee maalintii  Cod ku Sheekeysanaya Qolka Kale ee Aqalka, oo ka duwan codkii dumarka ama haweenka, waxaanu u fahmay in guriga uu ku jiro qof ragg ahi, waxaana uu u yeedhay gabadhii uu qabay oo uu waydiiyey qof la joogo ee la hadlaya ee u fahmay inuu cod rag yahay, waxaanay gabadhii ugu jawaabtay waa aniga iyo heblaayo oo ah minxiisadii guriga kula noolayd mudadan arooska ay ahaayeenba,

Kadib Markii uu Ninkii ku Qanci Waayey Jawaabta ay Siisay gabadhiisu waxa Uu u Baxay Dibeda Waxaanu Tagay Saldhiga,  Waxaa Lagu Soo Daray Laba Askari Oo usoo raacay Gurigiisii, Markii Ay Yimaadeen Askartii Gurigii ayey ugu Yimaadeen labadii Qof Waa Afadiisii iyo gabadhii U Minxiisada Ahayd, Askartii Waxay Niqaamkii iyo Xijaabkii ka Tuureen Gabadhii Minxiisada Ahayd Mise Waxaaba Kagaga Soo baxay Qof Ragg Ah,

Fajac iyo Amakaag ciidankii iyo Ninkii Gurigalahaa Kadib Waxay Labadii Qofba U Kexeeyeen saldhiga Waa Gabadhii uu Qabay iyo Gabadhan Minxiisada Ahayd ee Isku bedeshay Ninka.

Dhacdadan Oo Badiba Ka Yaabisay Dadka Intii maqashay Ayaa La filayaa In Maxkamada gobolka Maroodijeex maalinta barriya la Horkeeno.

Waxaana Warar Xogogaal Ah Oo aanu helayno Sheegeen in markii la Waydiiyey gabadhan Aroosada Ahayd Sababta Ninkan ugu Qarisay saygeeda ee uu ugu labistay dharka haweenka ayey sheegtay inuu yahay ninkeeda dhabta ee qabay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories