HomeMaxkamad Ku Taalla Gobolka Minnesota Oo Nin Soomaali Ah Ku Heshay...

Maxkamad Ku Taalla Gobolka Minnesota Oo Nin Soomaali Ah Ku Heshay 13 Dembi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hudson, (SLpost)- Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa nin soomaali ah ku riday xukun, waxaanay maxkamaddu ninkan ku heshay dembi ah inuu rasaas ku furay gaadhi ay saarnaayeen lix qof, degmda Hudson oo ka tirsan gobolka Minnesota, waxaanay sheegeen in ninkaas ku kacay fal budh-cadnimo ah.

Qareenno ka koobnaa siddeed qof oo isugu jira rag iyo haween ayaa Axmed  Faarax Xirsi waxay ku heleen 13 dembi oo ka mid ahaa 16 dembi oo uu markii hore waajahayay.

Ninkan oo 27 sanno jir ah ayaa maxkamadda la keenay jimcihii shalay, waxaana loo haystaa dembiyo uu ka mid yahay dil badheedh ah oo bishii January ee sannadkii 2014, ka dib markii uu rasaas oodda kaga qaaday dad saarnaa baabuur.

Xeer ilaaliyaha guud ee degmadaas ayaa sheegay inuu xabaddaas dadka ugu furay sida xayawaanka oo kale, waxaanay dhaawacyo soo gaadheen saddex qof.a-Hirsi

Booliska ayaa dhacdadaas maalin ka dib xidhay Axmed Faarax Xirsi, iyadoo uu gaadhi ku qaaday ninkale oo geeyay guriga hooyadii, si uu dharka iskaga bedelo, waxaanay boolisku gurigaas ka heleen rasaas tiro badan.

Ninkan ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay inuu isagu xabsiga ku jiro qofkii dembiga galayna uu gabbanayo, waxaanu garsoorka u sheegay inaanu dembi galin.

Ninka gaadhiga ku qaaday Axmed Faarax Xirsi oo lagu magacaabo Cabdi Guuleed ayaa sheegay in isagoo uu rakaab u ahaa uu rasaas huwiyay gaadhiga kale, waxaanu ninkani ogolaaday inuu marag furo si looga khafiifiyo xukunka ku dhacaya isaga.

Maalintii shalay jimcaha ahayd waxay maxkamaddaas Cabdi Guuleed ku xukuntay 2.5 bilood oo ka mid ahaa laba sanno oo uu ku jiraa xabsiga, sidoo kale Axmed Faarax Xirsi ayaanay maxkamaddu muddayn waqtiga uu dhacayo xukunkiisu.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories