HomeMaxkamad ku taala dalka Seychelles oo Burisay Xukun lagu riday Soomaali Falal...

Maxkamad ku taala dalka Seychelles oo Burisay Xukun lagu riday Soomaali Falal Budhcad-badeednimo ku eedaysnaa iyo tirada Dadka Xoriyaddooda helay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ile du Port (SLpost)- Maxkamad Racfaan oo ku taala magalada Ile du Port ee waddanka Seychelles, ayaa xabsiga ka sii daysay saddex maxbuus Soomaali ah oo falal la xidhiidha budhcad-badeednimo ugu xidhnaa dalkaas dhowr-kii sanno ee u dambeeyey.

MaxkamadMaxkamadda ayaa gaadhay go’aanka lagu bari-yeelay raggan, ka dib markii wax dambi ah oo la xidhiidha budhcad-badeednimo iyo caddaymo ku filan dambigooda lagu waayey saddex nin ee Soomaalida ah oo maxkamadi hore ugu ridday xukunno Xabsi ah oo dhan ka ugu yari 14 sannadood yahay. Waxaanu go’aanka maxkamaadu yimi gunaanadka dacwaddii loo haystay saddex nin oo tiraba saddex jeer oo kala duwan maxkamaddu u fadhiistay Bilihii April, August iyo December ee sannadkan 2014-ka.

Laba ka mid ah saddexda nin ayaa Racfaan ka qataay Xukun Maxkamadeed oo dhan 21 sanno oo xadhig ah, halak ninka saddexaad oo da’diisa lagu sheegay 16-jir lagu xukumay 14 Sanno oo xadhig ah.

Sida ay qortay Jariiradda Today In Seychelles todobaadkan, garsooraha Maxkamadda xukunka Cabsiga ah ku ridday saddexda Nin ee Soomaalida ah, ayaa Xeer-ilaaliyaha dacwadda oogayey oo ka socday dawladda Seychelles ay iska hubiyaan cadaymaha ay ku hayaan eedeysanayasha ka hor inta aanay maxkamadda horkeenin.

Saddexda Nin ee Maxkamaddu xorriyaddooda u soo celisay, ayaa ka mid ahaa koox budhcad-badeed Soomaali ah oo gadhaysay 25 qof oo ciidamada Badda dalka Denmark ka qab-qabteen meel uu dhow xeebta dalka Soomaaliya horaantii sannadkii 2012, iyaga oo halkaas ku furtay 14 qof muwaadiniin u dhalatay dalka Pakistan oo gacanta ugu jiray kooxda Budhcad-badeedda ah.

Ciidamada dalka Denmark oo ka tirsan hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda ee xeebaha badweynta Hindiya ku sugan, waxa ay Afar qof oo budhcad-bad-badeedka ka mid ah u gudbiyeen dalka Seychelles, Afar kalena waddanka Kenya si maxkamad loo saaro, halka 17-kii qof ee kale la sii daayey.

Haseyeeshee, go’aanka maxkamaddu xoriyaddoda ugu soo celisay ragga Soomaalida ah oo noqonaya tallaabadii u horeysay ee Maxkamadi ku buriso xukun lagu riday eedaysano loo haysto falal budh-cabadeednimo oo kiiska dacwadooda lagu qaaday gudaha dalka Seychelles, ayaa la filayaa in la fuliyo maalmaha soo socda iyada oo ragga Soomaalida ah dalkooda dib loogu celin doono.

Eedeysanihii afraad ee la socday saddexda nin ee xorriyaddooda helay, ayaa isagu ka noqday kiiskii racfaanka, isaga oo wakhti xaadirkan ku xidhan Xabsi ku yaala maamul-goboleedka Puntland ee dalkaasi Soomaaliya, halkaas oo uu ku sugayo inuu ku dhammaysto 21 sanno oo Xabsi ah.

Hay’ada UNDOC ee inta badan bixisa dhaqalaha dacwadaha lagu oogayoo guda galka dacwada iyo kiisaska kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ku xidhan dalka Seychelles, ayaa wakhtigan ku hawlan sidii saddexda nin dalkooga hooyo dib loogu celin lahaa.

Xigasho: CodkaHargeysa.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories