HomeMaxkamad Dawladda Faraniiska ku Xukuntay Mag-dhow ay siiyo Budhcad-badeed Soomaali ah

Maxkamad Dawladda Faraniiska ku Xukuntay Mag-dhow ay siiyo Budhcad-badeed Soomaali ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Brussels (SLpost)- Maxkamadda Xuquuqda Adaamaha ee Midowga Yurub, ayaa waddanka Faransiiska ku eedaysay inuu ku xad-gudbay Xuquuqda Budhcad-badeed Soomaali ah oo weerar u geystay Markab laga leeyahay dalka Faransiiska, waxaanay go’aamisay in mag-dhow laga siiyo dib-u-dhacyo ku yimi dacwaddooda.

Pirates PayBudhcad-badeedda Soomaalida ah oo tiradoodu tahay sagaal nin, ayey maxkamaddu Xukuntay in la siiyo magdhow gaadhay kumanaan Euro, maadaama oo sida maxkamaddu sheegtay muddo dheer qaadatay in la horgeeyo Maxkamad Faransiis ah, waxaanay maxkamaddu u xukuntay in mid ka mid ah sagaalka nin la siiyo lacag dhan 9000 Euro, halka siddeedda kalena ay isku qaadanayaan lacag dhan 7,000 Euro.

Garsooraha Maxkamadda Xuquuqda Aadamaha Yurub, waxa uu xukunkiisa u daliishaday isaga oo sheegay in dawladda Faransiisku ay ragga budhcad-badeedda ah Xabsiga ku sii hayeen 48 saacadood oo dheeraad ah.

Kooxda budhcad-badeedda Soomaalida ah, ayaa sannadkii 2008=dii weerar ku qaaday laba Markab-dalxiis oo laga leeyahay dalka Faransiiska, waxaanay in muddo ah afduub u haystaan muwaadiniin Faransiis ah oo maraakiibtaas saarnaa. Haseyeeshee, Milatariga dalkaasi ayaa laba hawl-gal oo ay ka fuliyeen Xeebaha Soomaaliya ku qab-qabtay budhcad-badeedda, ka dib markii la-haystayaashii u af-duubnaa lagu sii-daayey Madax-furasho kala ah 2.1 Milyan Dollar iyo 2 Milyan oo Doollar.

Kooxdan budhcad-badeedda ah oo ciiidamada Faransiisku ku qab-qabteen laba hawl-gal oo kala duwan, ayaa qayb ka mid ahi muddo Afar maalmood ah ku sii jirtay gacanta ciidamada, halka kooxda kale ay ciidamadu gacantooda ku hayeen muddo lix maalmood iyo 16 saacood ah, ka hor intii aan la geynin waddanka Faransiiska

Laakiin 48 saacadood dheeraad ah oo ay ku xidhnaayeen gudaha dalka Faransiiska, ayay Maxkamaddu sheegtay inay meel-ka-dhac ku tahay Xuquuqda Madax-bannaanida iyo Ammaanka ee Budhcad-badeeddu ku heli lahayd Go’aamadii lagu gaadhay Shirweynihii Xuquuqda Aadamaha ee Midowga Yurub, maadama ay ku xidhan yihiin waddan ka tirsan Midowga Yurub.

Markaabiibta ku socdaala Badweynta Hindiya, ayaa khataro badan kala kulmay kooxo Budhcad-badeedda ah oo ka qawlaysta Xeebaha Soomaaliya, haseyeeshee hawl-gallo caalami ah oo Ciidamo ka kala socda adduunku ka fuliyaan gobolka, ayaa sababay inay hoos u dhacaan weerarradii kooxaha budhcad-badeedda.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories