HomeMaxbuus Soomaali ah oo Dacwad ku Oogay Sirdoonka Maraykanka oo Jidh-dil...

Maxbuus Soomaali ah oo Dacwad ku Oogay Sirdoonka Maraykanka oo Jidh-dil ugu geystay Xabsi ku yaala Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

NEW YORK (SLpost)- Nin asalkiisu Soomaali yahay balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa ka mid noqday Cambaareyn iyo dacwado heer Caalami ah oo Ciidamada Sirdoonka Maraykanka loogu jeediyey Jidh-dil iyo tacaddiyo Xabsiyo qarsoodi ah oo dunida dacalladeeda ku kala yaalla, kuwaas oo lagu xabbiso shakhsiyaad looga shakisan yahay ama lagu tuhmo inay ka tirsan yihiin Kooxaha Argagixisada ah.

maxbuus soomaaliNinkan oo lagu magacaabo Mahdi Xaashi oo ku dhashay dalka Soomaaliya, balse isaga iyo qoyskiisu u guureen dalka Ingiriiska horaantii sagaashamaadkii, ayaa ciidamada Sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA-du sannadkii 2012 ku xidheen Xabsi qarsoodi ah oo ku yaala dalka Jabuuti, halkaas oo jidh-dil noocyo kala duwan ah loogu geystay, ka hor intii aan loo gudbin xabsi ku yaala dalka Maraykanka oo uu wakhtigan ku xidhan yahay.

Fadeexadda ninkani daboolka ka qaaday, ayaa soo baxday ka dib markii uu dhowaan dacwad ka gudbiyey Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da oo uu ku eedeeyey inay ku ciqaabi jireen xabsi dhexdiisa wakhtigii uu ku xidhnaa gudaha dalka Jabuuti iyada oo adeegsanaya, sida lagu xusay waraaq uu Qarankiisu dhowaan u gudbiyey maxkamad ku taala magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Mahdi Hashi oo isaga oo maxbuus ah xabsi dhexdii ku sugaya dacwadda uu ka gudbiyey Sirdoonka Maraykanka, iyada oo loo haysto eedaymo la xidhiidha kooxaha Argagixiso ah oo uu xidhiidh la leeyahay, waxaanay tani sababtay in dawladda Ingiriisku ay kala noqoto dhalashadii uu ka haystay bishii June 2012, taas oo wakhti yar uun ka horeysay ka hor intii aanay Sirdoonka Maraykanku ku qaban isaga oo ku sugan gudaha dalka Jabuuti.

Dokumentiyo ku lifaaqan dacwaadda uu qareenkiisa u gudbiyey Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolka New York ee ka dhanka ah Sirdoonka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in muddadii uu maxbuusku xidhnaa xabsi CIA-du ku leedahay dalka Jabuuti loola dhaqmay si bani’aadamnimada ka baxsan, xadhigga iyo ciqaabta loogu geystayna ay ahaayeen qaar sharciga baalmarsan oo ay fuliyeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan CIA-da Maraykanka .

Waraaqaha ku lifaaqan iyo dacwadda uu Mahdi u gudbiyey waacaha Garsoorka ee Maraykanka, ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Odayaasha Maraykanku ay soo saareen warbixinno ka deyriyey xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista arrimaha argagixiso loo haysto ee gacanta ugu jira CIA-da oo jidh-dil ku sameeyey maxaabiis tiro badan muddadii u dhaxaysay 2002 ilaa 2007-dii, iyaga oo adeegsanaya farsamo ay xogaha iyo macluumaadka kaga soo saaraan dadka la tuhunsan yahay ee ay gacanta ku hayaan, taas oo ah garaacis iyo Jidh-dil noocyo kala duwan oo habeen iyo maalin lagu sameeyo shakhsiyaadka la tuhunsan yahay.

Sida ay qortay jariiradda New York Times, dacwadda uu Mahdi ka gudbiyey CIA-da, ayaa u muuqata mid garownshiinyo ka helaysa waaxaha garsoorka ee Maraykanka, maadama oo Laamaha Ammaanka dalkaas laga joojiyey farsamada Jidh-dilka ah ee Xogaha lagaga helo dadka ka hor intii aan la xidhin Mahdi Xaashi.

Sidee loo qabtay Xaashi?

Mahdi Xaashi oo wakhti uu fasax ahaa booqasho ugu yimi qaraabadiisa oo ku nool Soomaaliya, halkaas oo uu ku guursaday, balse markii uu muddo ku sugnaa, ayaa waalidkii kala soo xidhiidheen dalka Ingiriiska iyaga oo ku war-geliyey dawladda Ingiriisku kala noqonaysa Dhalashadii uu haystay, iyada oo waraaq lagu socodsiiyey waalidkii lagu sababeeyey xayiraadda la saaray baasaboorkiisa ka dib markii laga war-helay inuu ka tirsan kooxo xag-jir ah oo ka hawl-gala gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinno iyo dokumentiyo ku lifaaqan dacwadda kiiska loo haysto.

Haseyeeshee, wargelinta dawladda Ingiriisku kaga xayirtay baasaboorkiisa, waxa bar-bar socday una saamaxay inuu ka doodo Xayiraadda iyo eedaymaha la saaray Sharci u dejisan dalka UK oo qofka u oggol inuu muddo bil gudaheed ah Racfaan kaga qaadan karo dacwaddiisa isla markaana uu isku difaaci karo.

Sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo Ka Ingiriiska Mi5 oo kor kala socday dhaq-dhaqaaqiisa iyo eedaymaha iyo tuhunnada loo haysto, ayaa sababtay in Mr Mahdi iyo laba nin oo la socdaylagu qabto gudaha dalka Jabuuti iyada oo looga shakiyey inay fulinayeen falal argagixiso, haseyeeshee Mr Mahdi, ayaa ku dooday in ujeeddada socdaalka uu ku tagay Djibouti ay ahayd maadaama oo aanay jirin wakhtigaas safaarad Britain ku leedahay Soomaaliya in meesha ugu dhow xafiis dibloomasiyadeed ama safaarad dowladda UK leedahay ay ku tallo dalka Djibouti.

“Waraaqaha khuseeya dacwaada Mahdi Hashi oo maxkamaddu aragtay waxa ku xusan qaabka loola dhaqmay Mahdi Hashi markii su’aalaha la waydinayey oo Cid wax weydiisa ay ugu horeeyeen cidamada Djibouti, markaas oo ahayd markii u horeysay ee uu arko mid ka mid ah labadii nin kale lala xidhay lagu magacabo Cali Yassin Axmed isagu labada lugood laga xidhay koorna loo qadaay, lagana xidhay Afka, indhaha iyo garaaciis laa isku wada- daray isagoo maxbuus ah,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraalka dacwadda ah ee Qareenka Mahdi ka gudbiyey. “Mahdi Hashi ayaa isna indhaha laga xidhay laguna celiyey qolki uu ku xidhna, dharkiina laga saaray oo su’aalo la waydiiyey, dhowr jeerna loo geystay hanjabaad, garaacis iyo fara xumayn xad dhaaf ahna lagula kacay,” Sidaas ayaa lagu sheegay dacwadda uu ninkani isku difaacayo ee la xidhiidha gabbood-fallo ay CIA-du ugu geystay gudaha dalka Jabuuti.

SOMALILANDPOS.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories