HomeMaxay Soomaalidu tolow uga badbaaddey ka ganacsiga addoontii Afrikaanka ee dhawrka qarni...

Maxay Soomaalidu tolow uga badbaaddey ka ganacsiga addoontii Afrikaanka ee dhawrka qarni soconaysay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Intii u dhaxaysay sannadihii 1500 iyo 1869 waxa la qafaashey oo la iibiyey 12 malyuun oo Afrikaan ah oo qayb ka ahaa addoontii la dhoofiyey ee Ganansigii Atlantikada la marin jirey.

Britain waxa ay ahayd quruuntii ugu ballaadhnayd ee ganacsigaas ka qayb qaadata. 3.1 milyan oo addoon Afrikaan ah ayay ku garbaduubeen in ay jiidhsiiyaan badda Atlaantikada oo khasab ku geliyaan Ameerika.

Ganacsadayaashii Ingiriisku waxa ay, ugu horrayntii, la tageen Afrika iyaga oo walwaalayo alaabooyin ay ka mid ahaayeen dhar iyo qoryo iyo rasaas (hub iyo saanad).

Afrika waxa ay nimankaasi ka soo ururiyeen dad addoon ah oo sidii adhi gammaanka loo dhoofinayo.

Waxa ay addoontaas ka tallaabiyeen badda, waxanay ka iibiyeen beeraleydii Ameerika, si ay dhulka ugu qotaan sidii dibiga.

Ganacsadayaashii Britain waxa ay, dabadeeto, ku soo laabanayeen Britain, iyaga oo walwaalanaya alaabooyinkii iyo wax soo saarkii dhididka iyo dheecaanka addoontii Afrikaanka ee ay qafaasheen, Ameerikana ka iibiyeen. Alaabtaas ayay Britain iyo adduunka kale ba kaga ganacsan jireen, oo dhaqaale badan ka samayn jireen.

Dadkaas addoonta Afrikaanka ah ee laga ganacsanayey waxa soo gabagabeeyey kacdoonno ka bilaabmay isla waddanka Britain qarniyo ka dib.

Thomas Clarkson, Olaudah Equlano, Elizabeth Hayrick iyo William Wilberforce ayaa ka mid ahaa, horraantii qarnigii 19aad, kumannaan qof oo saxeexay waraaqo ay dawladda u gudbiyeen iyo qaaddacaad qayaxan oo ay ku soo rogeen in lagu iibsado idil ahaan alaabooyinka iyo bucshiradaha ganacsi ee xidhiidhka la wadaaga ganacsigii addoonta.

1807 waxa, ugu horrayntii, waddanka Britain laga soo saaray xeer lagu joojinayo ka ganacsiga addoonta waddanka Britain gudihiisa.

Sannad ka dib, 1808, waxa xafiiskii Britain u qaabbilsanaa arrimaha dibeddu wada hadallo la yeeshay hoggaamiyeyaashii Afrikaanka iyo waddamadii ku hawllanaa ka ganacsiga addoonta, si loo joojiyo ganacsigaas, idil ahaantiiba.

1833 ayaa xeer kale laga soo saaray, gebi ahaanba, in ganacsiga addoonta laga joojiyo dhulalkii imbaraadooriyaddii Britain ka talinaysay oo ahaa afar meelood marka dunida loo qaybiyo hal dalool oo ka mid ah.

1838 wixii ka horreeyey waxa sii jirey dad la adoonsado oo aan weli la xorayn dhinaca Caribean-ka.
(The National Archives).

Ganacsiga addoontaas marka dib loo jeedaaliyo, waxa muuqanaysa in aanu raad badan ku lahayn Soomaalida, marka laga reebo in xeebaha Soomaalida ee badweynta Hindiya la soo marin jirey safarro addoon Afrikaan ah oo ganacsato Carbeedi ka soo qafaalan jureen dhulka Sawaaxil.

Sababaha, haddaba, Soomaalida belaayo xijaabka uga noqday ka ganacsigaas addoonta, ayaa waxa lagu tirin karaa, isku xidhnaantii xoogganayd ee is bahaysiga dhiig iyo dhalasho wadaagga ahayd ee qabaa’ilka Soomaalida oo, sinaba, aan u oggolayn in xubin ama xubno reer hebel ah la soo qabqabto, oo cidi ama iibsato ama cid kale ba laga iibiyo sidii adhi daabax ah.

Waxa iyana sabab kale u muuqan karta qanaacaddii Soomaaliga ee diinta Islaamka oo gaashaan uga ahayd in qof aadmi ahi qof kale addoon u noqdo ama in aadmi iibsado aadmi kale ba.

Sababta hore ayaa u muuqata mid ka xoog badan wax kasta oo kale ba, hase yeeshee, labadaas arrimood oo is barkan ama is huwan ayaa u muuqda in ay foolaad u ahaayeen in Soomaalidu iska waabisi oo ka badbaaddo ganacsigaas addoonta Afrika ee qarniyada badan duleedkooda ka ilmo-roganayey.

Maxay adiga kula tahay?

Maxamed Baashe Xasan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories