HomeMaxay soo kordhisaa daawashada ciyaaruhu?

Maxay soo kordhisaa daawashada ciyaaruhu?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waa ayaan-darro iyo khasaare weyn oo kugu habsaday hadii aad kala garan weydo amaba aad awood u yeelan weydo in aad qiyaasto miisaanka iyo macnaha uu shay kastasaaba nolosha guudkeega ku leeyahay, amaba adiga qof ahaantaada kuugu fadhiyo. Khasaarena waxa kuugu filan adiga oo shay aan macno lahayn u rumaysta in uu macne weyn leeyahay, shay macne weyn lahaana u qaata in aanu macno lahayn. Run ahaantiina waa khasaare ay adagtahay in aad ka soo kabataa, sababna u noqon kara in aad noqoto kuwa ugu dullisan dadka, uguna meeqaamka hooseeya.

 

Waxa aan uga jeedaa, waxa bariyahan dambe kor u sii kacayey dhallinyarta u heellan daawashada waxyaabaha lagu sheego “Ciyaaraha” kuwaas oo aan marnaba is weydiin faa’iidada iyo khasaaraha ka soo waajahaya daawashada waxa lagu sheego ciyaaraha. Waxa aad arkaysaa rag waaweyn oo inta ay gole samaysteen aan sheeko kale hayn, kuwaas oo maanta oo dhan ku xiiqaya hebel baa dhaliyey, hebel baa caawa ciyaaraya iyo hebel baa fadhiya, wakhtigoogiina waxa ay u qaybiyeen mar ay hurdaan, mar ay ciyaar daawanayaan, mar ay ka sheekaynayaan iyo mar ay wararka ciyaaraha laga qoray raadinayaan, kuwaas oo aan cilmi, caqli iyo caafimaad midna aan ka helayn, waxbana aan ka faa’iidayn. Fari kama qodna’e, waxa ay gaadhay heer kuwo dalka joogaa ay u ooyaan koob lagu kala qaaday qaaradaha Europe, qaar kale ay isku dilaan, halka qaar kalena la sheegay in ay isku gubeen ciyaarta awgeed! Caqligaa maxaad ku tilmaami lahayd adigu!

 

Si kooban aynu is bar-bar dhig u samayno, ka soo qaad qof ciyaaraha daawanayey muddo shan sanno ah, iyo qof wargeysyada iyo idaacadaha caalamka daawanayey muddo shan sanno ah, hadii la weydiiyo labadan nin xaaladihii ay dalka iyo dunidu ku sugnaayeen muddadii u dambaysay, maxaa ay ku jawaabi doonaan? Ninka ciyaaraha daawanayey isagu wax kale garan maayo oo aan ahayn hebel ayaa laagay iyo hebel ayaa dhaliyey, intaasina cilmi iyo caqli midna ma’aha, waana hubaal in aanu marnaba garanayn wixii dalka iyo dunidaba ka dhacayey muddadaas, kaas oo la mid ah qof dhintay amaba aan dunida joogin, daawashada ciyaaruhuna waxa ay ku dhaxalsiisaa mid ka mid ah astaamaha dhimashada oo ah war-moogaan, laakiin qofka kale isagu waa nin xogogaal u ah, kana war-hayey is bedallada xaaladihii u dambeeyey ee dalka iyo dunidaba ka dhacayey mudadaasi, sidaas awgeed waxa laga yaabaa in uu awood u yeesho in uu saadaaliyo halka uu ku biyo shuban doono mustaqbalka geedi socodka dalka iyo duniduba, taasi oo ah indheer-garadnimada dhabta ah. Bal hadaba waxa aad mar kale is bar-bar dhigtaa nin ciyaaro wakhtigiisii ku lumiyey iyo nin buugaagta iyo kutubta cilmiga ah wakhtigiisii kaga faa’iidaystay! Miyaanay caalim ummadeed iyo jaahil qaran isku ahayn, miyaanay nin haybad leh oo laga dambeeyo iyo dulli aan la qadarin isku ahayn! Hadaba adiga oo awood u leh in aad naftaada darajayso, dulli ha u horseedin.

 

Dhinaca kale hadii aad ka eegto dhallinyarta daawata ciyaaraha, waxa aad moodaa kuwo adoomo u ah nimanka ciyaara, bal u fiirso nin illaa habeenkii saqda-dhexe u soo jeeda ciyaar la daawado, kaas oo laga yaabo in ay waaberiga sugayaan hawlo culusi, amaba goobo waxbarasho tegaya. Waxa la sheegay rag aan waxbarashadoodii aan ka ag wareegin muddo bilo ah ciyaaraha dartood, runtiina waa dullinimo iyo doqoniimo halkii ugu hoosaysay. khasaaraha ku dhacayna waxa uu noqday caafimaad darro ka soo gaadhay hurdo la’aanta, jaahilnimo ka soo gaadhay waxbarasho la’aanta, iyo doqonniimo ka soo gaadhay dantiisa uu iska illaaway.

Daawashada ciyaaruhu waxa ay baabi’iyaan dhammaan waxyaabaha ugu qaalisan nolosha sida wakhtiga, caafimaadka, nolosha, dhallinyaranimada kuwaas oo kaa bur-burinaya wakhti badan oo aad wax badan ku qabsan lahayd. Weligaa hadii aad ciyaar daawato cilmi ka korodhsan maysid, caqli ka korodhsan maysid, wallaahi ma odhan karo wax baa kuu soo kordhaya haba yaraatee, waa laba gool iyo koox dad ah oo intooda badani ay nolosha ka dhaceen oo kubad ku laagaya goolalka, dhab ahaantiina intaasi wax lagu mashquulo ma’aha, manay ahayn in lagu mashquulo.

 

Ugu dambayn hadii aad u fiirsato dhibaatooyinka iyo mashaakilka hareerahaaga yaalla ee u baahan in aad adigu xalliso, runtii wakhtigaaga iyo dhallinyaranimadaada kuma aad lumiseen ciyaar, kuumana ay dhadhanteen daawashadeedu, laakiin ayaan-darro wax badan ayaa kaa qarsoon, adiguna waxa aad ogolaatay in aad noqoto adoomaha casriga ah ee reer galbeedku Afrika ku leeyihiin.

 

 

Allaa mahad leh

 

 

Maxamed C. M. Sharma’arke (Hisoori)

sharmaake91@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories