HomeMaxay Saamayn Ku Yeellan Kartaa Xukuumadda Wasiirradii Iska Casilay?

Maxay Saamayn Ku Yeellan Kartaa Xukuumadda Wasiirradii Iska Casilay?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 26-10-2015, xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo iska casilay xubno 10 gaadhaya, kuwaas oo ay ugu tun weynyihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali, Wasiirka arrimaha dibadda M. Biixi Yoonis iyo wasiirka caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid.

 

Isweyddiintu waxa ay tahay, maxay saamayn ku yeellan kartaa xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye is casilaaddan wasiirradu?

Marka aynnu u eegno waxa keensaday is casilaadda, oo ah loolanka xisbiga Kulmiye oo marba waji soo lahaa, waxa ay noqon kartaa in saamayn togan ayna ku keensanayn xukuumadda.

 

sababtu waxa loo aanayn karaa, xubnahan xukuumadda iska casilay, waxa tartan ugu jireen sidii murrashaxa xisbiga iyo guddoomiyaha xisbiga u wada hantiyi lahaayeen, loolankaa ay galeen, waxa ay la galeen guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo isna u taagan murrashaxnimada xisbiga Kulmiye uga qayb galaya tartanka 2017. Tartankaa labada dhinac dhex maray ayaa ah mid lagu kala adkaaday, maaddaama la is muquuniyey way dhacaysaa in ragga laga xoog batay dhan kale u roggaan sidaasaddooda. Markii hore waxa la saadaalinayey in arrimaha sidan oo kale ahi dhacayaan, waana sunne iska caadi ah oo tartanku keensado.

 

Iscasilaaddan dhacday, waxa ay la mid tahay istiqaaladdii hore ee wasiirradii maaliyadda iyo warshadaha ay sameeyeen march 2015, istiqaaladdaa hore ee Samaale iyo Abiib ku kaceen oo xukuumadda wax saamayn ah ku keenin ayey tan hadda dhacday na u saansaan eegtay, iyaga oo dhammaantood daarnaa loolanka xisbiga Kulmiye.

 

way dhici lahayd in saamayn xoogan xukuumadda ku yeellato haddii wasiirradani sabab aan tartan laga badiyey aan ahayn xukuumadda uga tagi lahaayeen. waxa kale oo la sii ogyahay in madaxweynu taageeray guddoomiyaha xisbiga, taas oo ah sunnaha dowladnimo, maaddaama oo Muuse yahay guddoomiyaha xisbiga sida oo kale na yahay siyaasi ku habboon hoggaaminta dalka, in uu ku gacan siiyo wax la filayey oo la rajaynayey ayey ahayd.

 

Xubnahan is casilay, waa xubno ka cadhooday taageerada uu madaxweynuhu u sameeyey Muuse Biixi, sidaas oo ay tahay saamayn siyaasadeed oo xun kuma laha xukuumaddii ay iska casileen, sida oo kale iyana waxa jirta in bulshadu ay ka soo taagnaayeen wasiirradan, iyaga oo loo arkayo niman aan xilkii umadda gudan, sida oo kale na awoodo badan ku tagri falay.

 

Madaxweynaha waxa se la gudboon, in xubno culculus oo howl-kar ah soo magacaabo, kuwaa oo buuxiya kuraastii ay baneeyeen wasiirradaa hore, markasta oo dib u dhac weyni ku yimaad buuxinta jagooyinkaas, waa markasta oo dacaayad ay helayaan wasiirrada xilka uga cararay tartan lagaga adkaaday.

 

Guddoomiyaha xisiba, ah na murrashaxa xisbiga, waxa isna saaran in dedaal xoog leh iskugu geeyo sidii uu xisbiga dib u habayn ugu samayn lahaa, si ayna saamayn ugu yeellan raggaa ka huleellay xukuumadda. maanta isaga ayaa ka guddoomiye ah, kana murrashax ah, sidaa awgeed waa mid laga filayo in xoog iyo xeelladba iskugu geeyo dadka xisbiga ku wada jira ee xafiiltanku dhex maray sidii loo bogsiin lahaa, xisbigu na isku diyaarin lahaa in guusha uu gacanta ku hayo sii xejisto.

 

W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories