HomeMaxay Reer Gabiiley Ku Mutaysteen in M-weyne Siilaanyo sidaa ugula dhaqmo? –...

Maxay Reer Gabiiley Ku Mutaysteen in M-weyne Siilaanyo sidaa ugula dhaqmo? – W/Q: Yuusuf Cali Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sida laga warqabo dadka ku nool degmada Gabiiley saamayn weyn ayeey ku leeyihiin loolanka siyaasada marka hogaanka dalka loo tartamayo. Waxa la yidhaahdaa Murashaxa ay u codeeyaan ayaa ku guulaysta xukunka dalka. Haddaba intii xukuumadda Kulmiye dalka ka talinaysay waxaad mooddaa in saluug badan uu reer Gabiley ka muuqdo, iyagoo ku dacwoonaya in sidii ay Ahmed Siilaanyo ugu liseen inaanu ugu hambaynin. Bilowgii xukuumaddan dhinaca ka raranna waxaabad moodaysay in reer Gabiiley ay Mucaaridnimo isugu shubteen, oo xataa waxaabay gaadhay inay Weftigii Siilaanyo ay kabo ku salaamaan.

Haddaba reer Gabiiley kamay helin taliskan Siilaanyo wixii ay ka mudnaayeen oo ay xaqa ugu lahaayeen, waa siday badanaaba iyagu ku doodaane, oo reero meel dhexe ka soo raacay Silaanyo ayaa iyagu shukaanta u haya xukuumaddan iyagaana ugu sad-bursi badan oo meel walba ka taliya, haddana waa iyaga kuwa ugu dhibaatada iyo dhaleecada badan leh Xukuumaddan ay xaaraanta ku haystaan. Haddii aan u soo noqdo reer Gabiilay, maxay ku dhacday in kuwooda xilka loo dhiibo is xun oo bilaa karaamo ah xilka looga xayuubiyo? maxay ku mutaysteen in tiro badan oo madax sare ah oo reer Gabiley ah sidaa loogula dhaqmo? Waa degmada ugu badan ee siyaasiyiinteeda xukuumadda ku jira loogu eriga badan yahay oo ay weliba u dheertahay sida foosha xun oo looga qaado xilka markii horeba ay saluugayeen.

Bal adiguba dib u yara jalleec, intii xukuumaddani jirtay waxa rag haldoor ah oo reer Gabiiley ah lugta lagu xaadhay:

Waxa ugu horreeyey rag badan oo agaasimayaal guud ahaa (ugu yaraan reer Gabiiley waxay dawladdii Rayaale Kaahin ku laayeen 7 ilaa 8 agaasime guud) oo markii xukuumadani la wareegtay la xaaqay sidii qashinka. Taa bedelkeeda may helin hal agaasimana dhahoo.

Waxaynu ogayn sidii sharaf dhaca leh ee loo eryey:

1. Generaal Nuux Taanni

2. Generaal Jidhif

3. Boobe Yuusuf Ducaale

4. Faysal Ciise Kaamil

5. Maxamed Cabdillaahi Cumar

Isaga Maxamed Cabdillaahi wuu u qalmaa in la eryo, waayo wuxuu isku haystay in Axmed Siilaanyo dhalay, magaalada iyo degaannada oo ka soo jeedayna haba yaraatee lagama jeclayn sumcadna kamuu lahayn, waana uu iskala weynaa dadka reer Gabiiley oo uu yasi jiray, waxaan filayaa inuu maanta uu garanayo in ninkii ku xidhan reeerkooda inaan Xukuumadani ku soo degdegin. Maantana Maxamed Cabdilaahi Muuse Biixi oo uu qabyaald ku raacay ayuu daraadii lagu eryey, tolow yaa eryey Xirsi waa ka maqane?

Haddaba reer Gabiiley ma isweydiiyeen maxaad dadka kale kaga duwan tihiin ee sidaasi la idiinkula dhaqmayaa? Maxay u dhici weyday in sadaa loola dhaqmo wasiirada qoodha ah ee ay Madaxweynaha isku reerka yihiin? Waxaa iga afeef ah inaanan halkan isku dir iyo aafo aanan uga jeedin, balse anigaa is weydiiyey maxaa Gabiiley ku badiyey bedelaadda bahdilan?

Dhinaca kale, waxaa igu maqaalo ah inaan reer Gabiley lagala tashan cidda xil loogu dhiibayo, oo kolba kii xukuumada u dhaga nugul ayaa xilka loogu dhiibaa. Maxaa loo eryi waayey Abiib Timacad oo la wada ogyahay dambiyada uu abtiyaashii iyo Ceelbardaale ka galay? Waxaan filayaa jawaabtu way iska caddahay, oo kama shaqeeyo wax u wanaagsan degaanka uu ka soo jeedo. Imika la eri ninkii tolkii ka faani jiray ee Maxamed Cabdillaahi, ninka warbaahinta la soo geliyey ee isaga lagu badalay tolow reer Gabiiley ma lagala tashaday? Halkii kuwii hore ayaan ka baqayaa inuu ku dambeeyo.

Ugu dambayntii, Wararka beryahanba dalkan Ingiriiska la isla dhex marayey waxa ka mid ahaa in nin dhalinyaro ah oo reer Gabiiley ah oo ragga ay xukuumadda iyo Axmed Siilaanyo shaqsiyadiisaba aad u madax martay oo meel walba la taagan ammaan iyo taageero aanqiyaas lahayn ayaa waxaa la isla dhex marayey waxaa lagu bedelayaa Maxamed Cabdillaahi, nikaasoo degen magaalada Birmingham oo la yidhaa Eng. Xuseen Ahmed Cige Deyr, dhawaana la yidhi dalkii buu ka soo noqday waxay wararku sheegayaan in Xirsi iyo Samaale wateen, balse waxa loo dhaafiyey lama oga baa la leeyahay.

 

Yuusuf Cali Maxamed, London,

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories