HomeMaxay Mudaneyaasha kala-afkaarta Duwani ka yidhaahdeen Go’aankii shalay ee Golaha Wakiillada?

Maxay Mudaneyaasha kala-afkaarta Duwani ka yidhaahdeen Go’aankii shalay ee Golaha Wakiillada?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Labada xildhibaanHargeysa (SLpost)- Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Wakiillada Somaliland oo ku kala aragti duwanaa ansixinta wax-ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka golahaas oo shalay la meelmariyey, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sifaha loo maray ansixinta xeerkaas.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ka mid ah mudaneyaasha taageeranaa ansixinta xeerkaan, ayaa tallaabada shalay golahoodu qaaday ku tilmaamay mid meesha lagaga saaray gol-daloolooyin golahooda ka muuqday isla markaana ay golaha ka dhigeen mid la jaan-qaadaya nidaamka caalamiga ah.

Xildhibaan Siciid Siciid Cilmi Rooble oo warbaahinta la hadlay ka dib ansixinta xeer-hoosaadkooda, ayaa yidhi, “Golihii nidaamkiisii buu hagaajiyey, caalamkuu raacay, nidaamka caalamku ku shaqeeyo oo kale baanu samaynay, nidaamku goluhu  ku shaqeeyo oo dhan baanu bedelnay, si habaysan oo aan buuq lahayn baanu ka dhignay, goluhu inuu hal gudoomiye leeyahay baanu ka dhignay. Gudoomiye ku xigeenadii kamaanaan qaadin xilkii hase yeeshee waxaanu soo bandhignay halkii ay lahaayeen, madaxweynuhu halkuu lahaa baanu fadhiisinay, wasiriradu halkay lahaayeen baanu fadhiisinay, qorshe caalami ah oo kale  baanu ka dhignay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Dalkan Somaliland waa geed oo kale oo marba waxbaa ku kordhaaya, maadaama oo aanu umadda ka wakiil nahay waxaanu bilownay talaabooyinkii cusbaa ee la jaanqaadka caalamka, oo ah in hore loo socdo oo laga baxo muranka xeerarka, muranka dastuurka laga baxo in dadka loo shaqeeyo, in awooddii baarlamanku ay sideeda noqoto, oo uu is habayn karo.

waxaan u mahadnaqayaa xukuumada oo aan faro galin nugu samayn, waanay ku mahad sanyihiin goluhuna isagaa hawshiisa qabsaday.”

Dhanka kale, Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka mid ahaa mudaneyaashii ka soo horjeeday ansixinta xildhibaan, ayaa ayaan-darro ku tilmaamay sababta ansixinta xeerka wakhtigan loogu soo beegay, isaga oo ku dooday inuu muddo saddex sanno ah golaha horyaallay.

Xildhibaan oo arrintan ka hadlayay, waxa uu yidhi, “Waxaan u arkaa inay ayaan darro tahay, isagoo sharcigu wanaag uu leeyahay, anigu gudidii joogtada ayaan ahaa, xeerkani illaa saddex sanadood ayuu yaalay, waxaana loo ansixin waayey ee hadda maalin kaliya loogu ansixiyey, waxaan is leeyahay waxbaa meesha ku jira.”

Sidoo kale, mudaneyaal kale oo ka tirsan golahaas oo isugu jiray labada garab ee ku kala adkaaday ansixinta xeerkan, ayaa ka hadlay ansixinta xeerkan, iyada xildhibaannada taageeray ansixintiisu ay ku doodeen inuu daawo u yahay hab-qan iyo dib-u-socod golahooda daashashay, halka mudaneyaasha ka soo horjeedayay go’aankii shalay ee golaha ku sifeeyeen afduub ujeeddo laga leeyahay isla markaana aanay aqbali doonin natiijada.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories