HomeMaxay Masuuliyiinta Xukuumaddu kala kulmeen Dadkii ku dhaawacmay Rabshaddii Hargeysa Stadium oo...

Maxay Masuuliyiinta Xukuumaddu kala kulmeen Dadkii ku dhaawacmay Rabshaddii Hargeysa Stadium oo ay booqdeen?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland oo ay weheliyaan Masuuliyiin kale oo xubno Wasiirro ah oo xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa booqasho ugu tagay Dad Shacab ah oo ku dhaawacmay Rabshado dhawaan ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa xilligii ay socdaan Ciyaaraha Gobollada dalku.

Dhaawacyada Dadka Shacabka iyo qaar ka mid ah Ciidanka Booliska, ayaa ku xilligan xaaladddooda caafimaad lagu dabiibayaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaanu khasaarahani ka dhashay kaddib markii ay isku dhaceen qaar ka tirsan taageerayaasha Gobolka Hawd iyo Ciidamada Booliska, kaddib markii muran ka dhashay ciyaar 8-dii bishan November dhexmartay xulka gobollada Hawd iyo Badhan

blankMasuuliyiinta xukuumadda ee booqashada ugu tagay dadka dhaawaca ah ayaa kala ah Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, wasiirka wasaaradda Horumarinta maaliyadda, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Maxamed Cabdi Xergeeye, badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Mudane Khadar Baaruud, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mudane Axmed Yoonis Aadan (Juxa) iyo xubno kale.

Xubnahan xukuumadda katirsan, waxa mid mid u dul-istaageen shaqsiyaadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay shaqaaqadaas, iyagoo indhahooda ku arkay dedaalka ay hawl-wadeennada Cusbitaalku ugu jiraan dabiibka caafimaad ee muwaadiniintaas waxyeellada kala duwani soo gaadhay.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka, kuwa cusbitaalka iyo dhakhaatiirta dhibbanayaasha gacanta ku haysaba ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan badbaadinta dadkooda waxyeelladu gaadhay oo intoodii ugu badnayd ay dhaawacyadii ka bogsadeen, kana baxeen cusbitaalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa sharraxay xaaladda dadka dhaawacyadu kasoo gaadheen shaqaaqadii dhawaan ka dhacay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium iyo adeegyada loo qabtay intooda weli cusbitaalka ku jirta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxanu eegnay dhaawacyadii ka dhashay rabshaddii ka dhashay maalintii kubbadda la ciyaareyey, tiro ahaan intii cusbitaalka la keenay waxay ahaayeen 24-qof, marka Afar qof oo isla habeenkiiba loo sameeyey qalliino guulaystay intii kaleba waa laga saaray Cusbitaalka, dhammaanna waxa loo fidiyey adeeg dhaqso ah oo hufan.”

Sidoo kale, waxa ay xubnahan masuuiliyiinta ahi kormeer ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu kordhiyey waadhadh iyo dhismeyaal casri ah, kuwaas oo lagu qalabeeyey agab casri ah oo loogu talo galay bukaannada goobahaas la dhigayo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories