HomeMaxay ku qotantaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya?

Maxay ku qotantaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxa aan maanta warbaahinta ku soo bandhigayaa taxane aan ku bayaamin doono arrimaha iyo danaha siyaasadeed ee bud-dhigga u ah dhex-dhexaadinta Turkiga ee wada hadalada Jamhuuriyada Somaliland iyo Federaalka Soomaaliya iyo filashada guul laga gaadho ama guul darro lagu soo afjaro.

Intaanan ka hadal qasdiga dhex-dhexaadinta bal aan dul maro sooyaalka siyaasadeed ee Turkiga.Markii ay diinta islaamku aduunka ku fidaysay ayaa Turkiga waxa ku batay dadka muslimay.Waxaanay ahayd qarnigii 8aad horaantiisii markay muslimiintu galeen ciidamada,madaxna ka noqdeen qaybo ka mid ah ciidamada (Military Forces).Madaxdaas ayaa qarnigii 9aad ku guulaystay badi hogaamada ciidamada.Waqtigaas oo xukunka Turkiga ka jiray ku salaysnaa nidaam qabaa-ilka mideeyay lana odhan jiray casabiya(Asabiya).Waxa dagaalo ku soo qaaday xukunkii ka jiray Mangoliya(Mongol) oo hadba midkood ku guulaystay xukunka Turkiga.Qarnigii 11aad ayaa maamulkii ka jiray Turkiga waxa hogaan u noqday Cusmaan Qaasi(Uthman Ghazi) oo ka soo dhex baxay hogaanadii muslimiinta ahaa ee ciidamada.Dagaal ayuu ku jebiyay maamulkii Mongoliyiinta ee xoogga ku qabsaday Turkiga,kuna dhawaaqay dawlad muslim ah,kuna hogaamin doono Turkiga shareecada Islaamka.Waxa uu ku guulaystay inuu dhiso dawlad islaam ah oo xoog leh.Talaabadii labaadna waxa uu ku guulaystay fidinta diinta islaamka ilaa Turkigu uu noqday xoogga islaamka.Kadibna ayagoo fulinaaya hamigoodii ahaa fidinta diinta islaamka ayay dagaalo ku qaadeen dalal badan oo qaarado kala duwan ka tirsan.Waxaana loo bixiyay xukunkaas Cusmaaniya(Uthmania Empire).Maamulkii Cusmaaniyadii waxa uu ku guulaystay dalalka koonfur-bari ee Yurub(Southeast Europe),Galbeedka Aasiya(West Asia) iyo Waqooyiga Afrika(North Afrika).Maamulkaa Cusmaaniyada waxa isu bedelaayay hogaanka kolba ka ugu sareeya reer Qaasi(Ghasis)hadba markuu mid dhinto.Waxaanay ka talinayeen Turkiga iyo dalalkii ay qabsadeen ilaa qarnigii 17aad.Waxaanu noqday maamulkii ugu dheeraa ee aduunka ka jira tan iyo maanta,waxaana lagu qiyaasaa ku dhowaad 600sanno.

Qarniyadaa Cusmaaniyada waxa kobcaayay maamuladii ka jiray dalalka Galbeedka Europe(West Europe).Kuwaas oo ay ku xoog badnayd diinta maseexiyadu(Christianaty) ayaa ka baqay inay Cusmaaniyadu(Uthman Empire) iyagana afka u dhigato oo ay dalalkooduna u bataan Islaam.Baqashadaa awgeed ayay isu xulufaysteen dhaqaale,diin ahaan,siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan-ba inay joojiyaan fidista Cusmaaniyada.Waanay ku guulaysteen inay Cusmaaniyada dib uga xoreeyaan dalalkii Koonfur-Bari ee Yurub(Southeast Europe) qaar ka mid ah.Kadib-na waxay xoog saareen,dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan-ba Turkiga dhexdiisa sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tirada yar ee maseexiyiinta ah,ciidamada iyo maamulkana uga qayb geli lahaayeen.Waxa kale oo ay guulaysteen inay dhaqamadoodii ku fidiyaan dhalinta Turkiga.Si ay ugu suurta gasho helida hogaamiyaal isbedel ku samayn kara qaabka islaamiga ah ee lagu maamulo Turkiga.

La Soco…….

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories