HomeMaxay ka wada-hadleen Xisbiga Kulmiye iyo Ergayga Finland u qaabilsan Geeska Afrika?

Maxay ka wada-hadleen Xisbiga Kulmiye iyo Ergayga Finland u qaabilsan Geeska Afrika?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee dalwadda Finland u soo magacowday Gobolka Geeska Afrika Mudane Suldaan Siciid Axmed.

Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, kuna wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, mudane Maxamuud Xasan Sacad (saajin), Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta, Xoghayaha Garabka Haweenka Marwo Sahra Saleebaan Cawil, xubno Wasiirro iyo siyaasiyiin kale, waxa ay Ergeyga dawladda Finland iska xog-waraysteen ujeeddada socdaalkiisa iyo xaaladaha kala duwan ee ka jira dalka Somaliland.

Ergayga dawladda Finland ee Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana ay wehelinaysay Cawo Axmed oo ka tirsan safaaradda Finland ee Nairobi, waxa uu sheegay inuu danaynayo isagoo ka wakiil ah Midowga Yurub inuu dhexdhexaadin ka galo khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka jira Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Kulmiye.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxda xisbiga KULMIYE faahfaahin uga bixiyeen ergayga arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo qodobada ay isku hayaan xisbiyada mucaaradka ah, waxay u caddeeyeen Ergayga Finland in ay mar walba diyaar u yihiin wadahadal iyo wax kasta oo lagu xallin karo khilaafka waqtigan taagan, iyagoo carrabka ku adkeeyey in Madaxweynaha Qaranka, ahna hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu hore iyo dambaysaba gogol wadahadal u dhigay walaalahooda mucaaradka.

blank

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories