HomeMaxay Ka Wada-hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Safiirka Dowladda Denmark?

Maxay Ka Wada-hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Safiirka Dowladda Denmark?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay Safiirka Cusub ee Dawladda Denmark Jamhuuriyadda Somaliland iyo Arimaha Soomaliya, Ambassador Steen Sonne Anderson, oo booqasho yimi dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa war bixin ka siiyey Safiirka iyo Weftigiisa Xalaada guud ee amni ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku u sheegay Weftiga in ay Somaliland tahay meesha ugu nabadgelyo fiican marka loo eego Manqada Geeska Afrika, nabadaasoo ku timi dedaalka Dawladda iyo Iskaashiga Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee Nabada jecel.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu waramay Horuumarka ay Somaliland ku tallaabsatay 30 kii sanno ee u danbeeyey, iyadoo aan gacan ka helin adduunka, balse Horuumarku ku yimi wax wada qabsiga Dawladda iyo shacabka, iyadoo Somaliland ay u taagan tahay nabad iyo horuumar.

Dhinaca kale Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka hadlay dhinaca doorashooyinka iyo Dumuqraadiyada buuxda ee ka jirta Somaliland, isagoo Wasiirku sheegay in ay diyaariyeen dhammaan wixii dhinacooda ahaa sida dhaqaalaha iyo Amniga intaba, iyadoo Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, ay dhameeyeen hawsha Ururada, ayna u gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Safiirka cusub ee Dawladda Denmark ayaa isna ugu mahadnaqay Wasiirka sida wanaagsan ee uu u qaabilay, isagoo sheegay in Dawladda Denmark la shaqaynayso Dawladda Somaliland, dhinaca horuumarka iyo Dumuqraadiyada, isagoo Safiirku Somaliland u ammaanay nabadgelyada iyo horuumarka ay gaadhay.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday is faham buuxa oo labada dhinac ah.
Wasiirka waxaa kulankan ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda, Dhismaha Nabada iyo Cuqaasha Mustafe Ismaaciil Cabdi

Safiirkana waxaa kulan ku wehelinayey Safiir Kuxigeen/ka Dawladda Denmark Ambassador Gertrud Brik iyo Madaxa Xafiiska Somaliland ee Dawladda Denmark.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories