HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo kulan...

Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo kulan yeeshay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad hadhi-sharafeed ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey xubnaha golaha wakiillada ee ay shacabku soo doorteen 31-May ee sannadkii dhammaaday ee 2021-kii.

Kulankan hadhimada ah ee uu madaxweynuhu ku sharfay xubnaha golaha wakiillada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, gudoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, maayarka caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, mudaneyaasha golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah madaxda hay’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha loogu mahadnaqay madaxweynaha qaranka ee casuumadda u sameeyey, iyada oo sidoo kalena lagu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay inay si habsmi leh u wada shaqeeyaan saddexda dhardaar ee qaranku ka kooban yahay, kuwaas oo kala ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku.

Ugu horrayn guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadceliyey sida uu ugu sharfay casuumadda, isaga oo intaas ku daray inuu madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii qaranka, islamarkaana uu xaq u leeyahay inuu u yeedho oo la kulmo goleyaasha kala duwan ee dalka.

“Weynu uga mahadnaqaynaa madaxweynaha casuumadda, golaha wakiilladuna waa golihii shacabku doortay oo shacabkay wakiil ka yihiin, dhammaan hay’adaha dawladda ee halkan fadhiyana waxa isku xidha oo oday u ah madaxweynaha oo ah odaygii guud ee qaranka, sida uu xil uga saaran yahay xukuumadda, buu golahana xil uga saaran yahay golaha Baarlamaanka oo isku dhan, sidaas oo kale buu golaha garsoorkana xil uga saaran yahay, waana odaygii guud ee isku xidhayey intaas oo dhan,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa isaguna dhankiisa si mug leh u hogo-tusaaleeyey saddexda dhardhaar ee qaranku ka kooban yahay iyo hannaanka ay u wada-shaqeeyaan, waxana uu xildhibaannada kula dardaarmay inay waqti badan geliyaan sidii ay bulshadii soo dooratay ugu shaqayn lahaayeen, kuna fikiraan sidii ay mustaqbalkooda siyaasadeed u dhisi lahaayeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay casuumad-sharafeedda uu u sameeyey xubnaha golaha wakiillada, waxana usoo jeediyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama oo uu madaxweynuhu yahay hoggaamiyaha guud ee qaranku leeyahay, isaga iyo golahana ay ka dhaxayso wada-shaqayn ballaadhani.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu casuumaddan sameeyey, ayaa xildhibaannada uga mahadnaqay inay soo ajiibeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in farriintiisu tahay in kala duwanaanshaha Aaraa’da la isku ixtiraamo, si ilbaxnimo lehna loo doodo oo halka codku u bato uun la ixtiraamo, waxana uu yidhi,

“Maanta arrinteennu waa qado-sharaf, waana hal farriin oo kali ah oo ah goleyaasha qaranka ugu sarreeya, xeer-dejinta oo labadii shirguddoonba joogaan, maxkamaddii oo uu joogo guddoomiyihii maxkamadda sare iyo fulintii oo badankoodii jooga, aynu Ilaahay kaga codsanayno inaynnu noqonno dawlad danta qaranka ka shaqaysa, doodda oo marka ay doodaanna halka codku u bato isku raaca, qaabka ay u shaqaynayaanna uu yahay mid ixtiraam ku dhisan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories