HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Xika Wareejinaya ee dalka Ingiriiska?

Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Xika Wareejinaya ee dalka Ingiriiska?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay safiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Ben Fender.

blankDanjire Ben Fender waxa kulanka madaxweynuhu ku qaabilay ku wehelinayay madaxa xafiiska dibloosiyadeed ee Dowladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Hargeysa Stuart Brown.

Amb Ben Fender ayaa wareejinaya xilka safiirnimo horaanta bisha February kaddib markii ay dowladda Ingiriisku safiir cusub u soo magacowday arrimaha Soomaalida 4-tii bishan January. Safiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska ayaa ah haweenay lagu magacaabo Kate Foster.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey arrimaha ay ka wada-hadleen Safiirka Ingiriiska iyo madaxweynaha Somaliland oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay.

Warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Mr Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa u qornaa sidan:-

blank“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender oo uu wehelinayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimid safar shaqo oo ah safiirkii u danbeeyey shaqadiisa.

Kulankan oo daarnaa xog warran guud ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo go’aanka u danbeeya iska leh.

Waxa kale oo lagu lafo guray kulanka deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.

blankWaxaanu madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, safiirka uga mahadnaqay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, maaddaama oo lugtii ugu danbaysay shaqadiisu ay ahayd maanta oo madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa. Iyadoo madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska inay is waafajisay tiirarka qorshaha horumarinta Somaliland iyo deeqaha Ingiriisku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba uga mahadnaqay sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilkaasi hayey.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland.

Safiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska Kate Foster oo shaqada dibloomasiyadda bilowday sannadkii 2012-kii, ayaa lagu wadaa inay xilka la wareegtay horaanta bisha February ee sannadkan, waxaana la filayaa inay booqasho ku timaaddo Somaliland

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories