HomeMaxay ka-wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ku-xigeenka Wakiilka QM oo maalmood ku...

Maxay ka-wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ku-xigeenka Wakiilka QM oo maalmood ku sugnayd Hargeysa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxtooyada Somaliland oo aan wax war ah ka soo saarin Natiijada Kulanka labada Dhinac

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa soo gaadhay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Anita Kiki Gbeho oo ah haweenay u dhalatay Dalka Ghana.

Ms Kiki Gbeho oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan xafiiska UNSOM ayaa Axaddii shalay ka soo degtay gegida diyaaradaha ee Hargeysa iyadoo la socotay diyaarad ay Qaramada Midoobay leedahay, waxaanay magaalada Hargeysa kulan kula yeelatay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi iyo masuuliyiin ka tirsan saddexda Xisbi Qaran.

blankMa jiro wax war ah oo madaxtooyada Somaliland ka soo saartay Arrimaha lagaga hadlay kulanka Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ms Kiki Gbeho, haseyeeshee war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska UNSOM, ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga wada-hadlay arrimo khuseeya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo Qaramada Midoobay, Doorashooyinka iyo Siyaasadda iyo sidoo kale doorka haweenka iyo dhalin-yarada ee ka qayb-qaadashada hoggaanka dalka.

blank“Waxaanu ka wada hadalnay shaqada Qaramada Midoobay, doorashooyinkii u dambeeyey iyo horumarka laga sameeyey siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale Doorka haweenka iyo dhallinyarada ee hoggaaminta,” waxa sidaas sheegtay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Ms Kiki Gbeho kaddib markii ay maanta kulan la qaadatay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo xafiiskiisa ku qaabilay.

blankWarku waxa uu intaa ku daray in Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ay kulan la qaadatay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada Rayidka ah, isla markaana ay ka wada-hadleen arrimo khuseeya isbeddelka Cimillada iyo sidii haweenka fursad loogu siin lahaa ka-qayb-qaadashada siyaasadda dalka.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay Ms Kiki Gbeho ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey socdaal is-barasho ah ku joogtay Hargeysa oo ay socdaalkeedii u horeeyey ku timi dorraad tan iyo markii xilkan loo magacaabay 30 kii December 2020-kii.

Ms Kiki Gbeho oo xilal kala duwan ka soo qabatay Qaramada Midoobay 10-kii sanno ee u dambeeyey, iyadoo hore madax uga soo noqotay Xafiiska Isku-xidhka gargaarka bani’aadamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA.

blankMadaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan eedaymo u jeediyey Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’adda OCHA oo cambaareysay go’aan Xukuumadda Somaliland dhawaan magaalada Laascaanood kaga mustaafurisay muwaadiniin u dhashay Soomaaliya oo 30-kii sanno ee u dambeeyey qaxoontinimo ugu noolaa xarunta gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.ne

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories