HomeMaxay Ka Wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ganacsada Somailand?

Maxay Ka Wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ganacsada Somailand?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay kulan ballaadhan oo lagaga doodayey sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsiga ee mandaqadda badda cas la yeedhay ganacsatada kala duwan ee dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, Xannaanada xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga, shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga, guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo xubno kale, ayaa diiradda lagu saaray sidii looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka badda cas, loona diyaarin lahaa qorsheyaal midho dhal ah oo lagu maareeyo saamaynta ganacsiga ku soo korodhay ee nolosha bulshada taabanaysa.

Xubno kamid ah ganacstadii madasha ku sugnayd oo ay ka mid yihiin Mudane Yuusuf Ducaale Barre, Mudane Cali Cumar Guuleed, Mudane Maxamed Cabdilaahi Mire, Mudane Maxamed Cali Xasan, Mudane Ismaaciil Cabdi Xasan, Maxamed Shugri Jaamac iyo Cabdiwahaab Cabdiraxmaan Cileeye oo hadallada isaga kala dambeeyey ayaa soo jeediyey tallooyin iyo aragtiyo lagaga gudbayo duruufaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee soo kordhay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacag Cali Shire, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ganacstada iyo xukuumaddu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa talooyin lagaga gaashaanto saamaynta ka dhalatay duruufaha kasoo kordhay mandaqadda badda cas.

Madaxweynaha waxa uu ganacsatada uga mahadnaqay sida xushmadda leh ee u soo ajiibeen kulanka qaran ee loogu baaqay, waxana uu soo dhaweeyey soo jeedimaha iyo talooyinka cilmiga ku dhisan ee ku saabsan iskaashiga ganacsatada iyo dawladda.

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in ganacsatada taladooda la weeleeyo, lagana wada tashado sidii loo yarayn lahaa caqabadaha iyo dhibaatada mandaqadda kusoo korodhay ee taabanaysa noloshada bulshada rayidka ah.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu guddoomay soo jeedin la xidhiidha in la diyaariyo guddi isku dhafan oo xukuumadda iyo ganacsatada ka kooban oo xal waara ka keenta dhibaatada dhanka isu socodka ganacsiga iyo badeecadaha ee mandaqadda kusoo korodhay, waxana uu yidhi,“Ganacsato ahaan inaad guddidii soo xushaan la isu yimaaddo, dhaqaalihiina waxyaabo badan baa dhacay ee sidee la yeelaa aynu wada-jir ugu soo saarno waa inoo guddoon.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu ganacsatada ku boorriyey inay door muuqda ka qaataan nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada dhexdeeda ah, si ay uu isu socodka ganacsigu kor ugu kaco, horumarkuna u noqdo mid waara.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories