HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga Wasiirrada Djibouti

Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga Wasiirrada Djibouti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo dalka Somaliland u yimi hawlo shaqo oo ay labada dal iska kaashan-doonaan.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabilay wasiirka ayaa ku soo beegmaya dardar-gelinta xidhiidhka walaalnimo, iskaashi iyo derisnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhexeeyey oo muddooyinkii u danbeeyey ay labada dal xoojiyeen, muddo bil gudeheed ahna ay laba wefti oo ka socda dalka Jabuuti soo gaadhaan Somaliland, kuwaas oo u socday horumarinta iyo adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac.

blankWaxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirrada xannaanada xoolaha & horumarinta kalluumaysiga iyo Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Wasiirka Biyaha ee dhigiisa ah ku soo dhaweeyey dalka una sheegay inuu joogo waddankiisii labaad, waxaanu yidhi “Wasiir Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) waxaan kugu soo dhaweynayaa Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan leeyahay waa dalkaagii hooyo, runtii waxaa noo sharaf ah inaan iskaashi hor leh oo Biyaha Beeraha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ah aanu wadaagi doono annaga iyo wasiirku, waad nala arki doontaa dalka waanan kusoo marin doonaa meelo badan oo kamida haddii Alle idmo.

blankSidoo kale Wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaaanda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee waddanka Jabuuti, Mudane. Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo isna ka dareen celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey, xusayna inuu u socdo horumar ballaadhan oo ay ugu horayso Biyaha.

“Waxaa ii mahada, sharafna ii ah annigoo waddankaygii labaad jooga xuduudkuunbaa nakala haya ee ummad ul iyo diirkeed ah ayaa ku wada nool, oo maanta annigu meel ajaaniba ma joogo, waxaanan u imi sidii walaalahay iskaashi isku dhaf ah oo xagga biyuhu ugu horayso, kuna xigaan Beeraha Kalluunka iyo waxyaalo kale oo badan, aan ka wada tashano oo aanu samayno iskaashi horumar dhaqaale, annigu siyaasad uma socdo Wasiir Horumarineed baan ahay,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

blankWasiirku waxa uu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee socdaalkooda Somaliland tahay sidii ay labada waddan uga wada-shaqayn lahaayeen arrimaha Amniga, waxaanu yidhi, “Xuduudda aanu la leenahay Somaliland aaggaa naga soo horjeeda oo dhan inaan wax isla qabsano, inaan ceelal labada dhinacba ka samayno, waa dad isku mid ah, waa dad walaalo ah. Waa wajigii ugu horeeyey kuwa kalena waa ku xiggi doonaan, wasiirka biyaha waan la shaqayn doona, kuwa kalena waan wada tashan doonaa, cimiladii waa tan is bedeshay harraad baa ugu daran harraad qofkuu hayana wax ka horeeyaa ma jiraan”.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories