HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga Safiirka Faransiiska ee Kenya?

Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga Safiirka Faransiiska ee Kenya?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya Aline KUSTER-MENAGER iyo Wefti ay hoggaaminayso, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo gelinkii dambe ee maanta ku qabsoomay Qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo khuseeya xidhiidhka u dhexeeya labada waddan iyo doorashooyinka ku muddeysan inay sannadkan ka qabsoomaan Somaliland, sida lagu sheegay war kooban oo madaxtooyadu ka soo saartay Kulanka.

Warku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale kulanka lagaga wada-hadlay iskaashiga dhinaca ganacsiga labada waddan iyo sii-amba-qaadista wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo sannadihii u dambeeyey hakad ku yimi.

Ma jirto faahfaahin intaas dheer oo warka ka soo baxay madaxtooyadu ka sheegay arrimaha lagaga hadlay kulanka dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Faransiiska.

Wefiga Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya ee soo gaadhay Somaliland, waxa xubno ka aha La-taliyaha Siyaasadda ee safiirka Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha Gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Gobolka Bariga Afrika, Caroline ABT iyo xubno kale.

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

blankblank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories