HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda ee...

Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda ee Masar oo maanta kulmay?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan labada dal, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.

blank

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Jamhuuriyadda Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

blank

Dhinaca weftigana waxa wasiir ku xigeenka ku wehelinaayey, safiirka dalka aynu jaarka nahay u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif. Waxaanay weftigu dalka ku sugnaan doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories