HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Dowladda Ingiriiska?

Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Dowladda Ingiriiska?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, MdMuuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Wakiilka cusub ee Dalka Ingiriisku u soo magacaabay Somaliland Danjire Lizzie Walker oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare oo ka socda xafiiska UK ee Hargeysa.

blankWar-saxaafadeed kooban oo madaxtooyada Somaliland kaga hadashay kulanka, ayaa sheegay sidan:- “Kulankan oo ujeedkiisu daarranaa soo dhawayn uu madaxweynuhu ku qaabiley wakiilka cusub ayaa madaxweynuhu xog buuxda ka siiyey horumarka iyo himilada qaranka Somaliland uu gaadhay, waxaanu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska iyo Baarlamaankeedaba dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen inay dareenkooda madax-bannaanida Somaliland la wadaagaan Beesha Caalamka kagana doodaan xarunta baarlamaanka dalkaasi, taas oo uu madaxweynuhu xusay inay shacbiga Somaliland-na kaga jawaabeen dareen saaxibtinimo oo salka ku haya xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.”

“Dhinaceeda, Wakiilku waxa ay xustay inay la dhacsan tahay dedaalka horumarineed iyo Dimuquraaddiyadeed ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay in adduunku maanta indhaha ku hayo horumarka iyo wanaagga Somaliland ka socda.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Danjire Lizzie Walker oo Isniintii toddobaadkan soo gaadhay dalka, isla markaana kulan la qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa beddeshay Danjire Stuart Brown oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey xilka hayay.

Lizzie Walker oo toddobadii sanno ee u dambeeyey ka tirsanayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan, gaar ahaan waaxda Barwaaqo sooranka iyo Horumarinta, ayaa labadii sanno ee u dambeeyey hoggaaminaysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo mashaariicda horumarinta ee dalalka Badhtamaha qaaradda Afrika.

Sidoo kale, danjire Lizzie Walker ayaa hore u soo noqotay Wakiilka Soomaliya u fadhiya Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, iyadoo magaalada Muqdisho ka shaqaynaysay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories