HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Africa?

Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Africa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Waxa magaalada Hargeysa maanta soo gaadhay Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend oo uu weheliyo Safiirka Maraykanka, kuwaas oo uu qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo kulan kula qaatay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga wada-hadlay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidammada Maraykanka, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku soo dhaweeyey Somaliland Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), si wada-tashi looga sameeyo horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika. Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidammada Maraykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Waxaanu Madaxweynuhu uga mahadceliyey weftiga safarka ay ku yimaadeen Somaliland waxaanu u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay, “In booqashada Jeneral Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay xidhiidhka labada dhinac. Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika”.

blankWaxaana dhankooda si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.

Sidoo kale, intii weftigu booqashada ku joogeen Somaliland, Jeneral Stephen Townsend iyo Danjire Larry André waxa ay booqasho ku tageen Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaadhiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland, dalalka ay saaxiibka yihiin iyo gobolka intaba. Booqashada Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay daba socotaa booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Maraykanka bishii March, 2022 iyo sahankii Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku yimaadeen Berbera bishii August ee sannadkii hore.

Kulankaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Gashaandhiga Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid), Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Booliiska, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

blankblankblankblank blank blank blankblank blank blank blank blankblank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories