HomeMaxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii Hore Ee Sierra Leone oo...

Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii Hore Ee Sierra Leone oo Hargeysa ku Kulmay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta kulan gaar ah ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma oo ka mid ahaa wufuuddii caalamiga ahaa ee goobjoogayaasha ka ahaa doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021.

blankUgu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa madaxweynaha xog-warran buuxa ka siiyey marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray iyo taariikhihii lama illaawaanka ahaa ee ku qormay magaca Jamhuuriyadda Somaliland oo noqday kuwo indhaha caalamka soo jiitay, balse shacbiga Somaliland ay weli ka sugayaan beesha caalamka wixii ay xaq ugu lahaayeen in lagu abaalmariyo oo ah Ictiraaf caalami ah.

Waxaanu madaxweynuhu ku bogaadiyey madaxweynaha hore ee Sierra Leone imaansha uu ku yimid Somaliland ee uu ku soo taabtay xaqiiqadda dhabta ah ee ka jirta ee dhinacyada horumarka, nabadgelyada, Dimuquraaddiyadda, wada-noolaanshaha, wada-jirka shacbiga iyo xukuumadda oo ah midda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku caano maashay.

Madaxweyne Ernest Koroma waxa uu xusay in uu indhihiisa ku soo arkay bulsho bisil oo waayo arag u ah arrimaha doorashooyinka oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen iyagoo kala aragti duwan oo kala xisbiyo ah.

Waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey warbixinta ay soo saareen goobjoogayaasha doorashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay Isniintii ina dhaaftay.

Kulankan oo gaar u ahaa labada madaxweyne, ayaa ahaa mid ay ku lafo gureen qodobbo dhawra oo ay ugu muhiimsanaayeen arrimaha qaaradda Afrika.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha hore mid mid u dul geeyey sawirrada madaxweyneyaashii soo maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwo kale oo ka turjumaya taariikhda Somaliland oo ay ka mid yihiin qalcadda taariikhiga ah ee Talleex iyo goobo kale oo muhiimad gaar ah leh.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories