HomeMaxay ka wada-hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Dhexdhexaadinta khilaafaadka Dalka Qatar?

Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Dhexdhexaadinta khilaafaadka Dalka Qatar?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dowladda Qatar oo safar shaqo ku yimi dalka.

Weftiga dowladda Qatar waxa hoggaaminayey Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qatar Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

blank
Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi [Source: Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL]
War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo-qaaday geeddiga Dimuquraadiyadda soddon jirsatay, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar Somaliland ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee Qadar Charity ay xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.

Warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo lagu sheegay in kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan.

blankDr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo ah ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibedda dalka Qatar u qaabilsan arrimaha la dagaalanka Argagigisada iyo dhex-dhexaadinta iyo Xalinta khilaafaadka.

Danjire Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani waxa uu sannadkii 2020 ku guuleystay Abaalmarin uu bixiyo Machadka Tababarka iyo cilmi-baadhista Qaramada Midoobay ee UNITAR isagoo abaalmarintaas ku mutaystay Dhex-dhexaadiyihii ugu wanaagsanaa sannadkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories