HomeMaxay Ka Wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Bulshada Gobolka Sool oo Kulan Yeeshay?

Maxay Ka Wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Bulshada Gobolka Sool oo Kulan Yeeshay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool, ayaa caawa kulammo kala duwan la yeeshay cuqaasha, salaadiinta, haweenka, haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sool ku dhaqan.

Kulamada uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi caawa la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sool, ayaa ujeeddadoodu ahayd sidii ay madaxweynaha iyo bulshadu iskaga xogwaraysan lahayd horumarka xukuumaddu gobolka ka fulisay, islamarkaana looga wada shaqayn lahaa nabadgelyada iyo wada jirka bulshada.

Cuqaasha, garaaddada iyo haweenka gobolka, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay waxqabadka muuqda ee xukuumadda gobolka ka fulisay, waxana ay ballanqaadeen inay sii laban laabayaan taageerada ay xukuumadda u hayaan iyo garabsiinta hay’adaha kala duwan ee ammaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo bulshadii kala duwanayd ee uu la kulmay khudbad u jeediyey, ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay shacabka reer Sool ugu soo dhaweeyeen gobolka isaga iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ka go’an tahay horumarinta gobolka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories