HomeMaxay ka Wada Hadleen Madaxweynaha iyo Garabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye?

Maxay ka Wada Hadleen Madaxweynaha iyo Garabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha JSL ayaa xalay la kulmay qayb ka mid garabyada ku loolamaya xisbiga Kulmiye oo ah garabka isbahaysiga musharixiinta dhawrka ah kaas oo ay ugu mudnaayeen laba ka mid ah gudida farsamo ee loo doortay shirka golaha dhexe ee xisbiga, islamarkaana ah hogaanka ugu sareeya ee xisbiga oo cabasho ka muujinaya maamulka sare ee xisbiga.

Guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Cabdiraxmaan Talyanle ayaa waxa uu ka hadlay kullanka ay xallay la qaateen madaxweynaha qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isaga oo sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda xisibiga, geedisocodka iyo qabsoomida shirka golaha dhexe iyo sida loogu diyaar-garoobayo.

Mudane Talyanle waxa kale oo uu sheegay in isbahaysiga musharixiintu madaxweynaha kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa laba cabasho oo ay qabaan. Talyanle waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland xalay baannu kullanay, waxaanuna ka wada kullanayna waxa ay ahayd xisbiga Kulmiye shirkiisa loo mudeeyay bisha tobankeeda, si wanaagsan ayaannu isku afgaranay wada hadalkiina wuu noo socdaa. Run ahaantiina ama laba garab ha lagu sheego ama xisbiga Kulmiye ha la yidhaahdee waxaanu wada doonaynaa in shirka xisbiga Kulmiye dhaco si lagu wada kalsoon yaha, madaxweynuhuna wuu nala qaatay, guul baannu noogu dhammaan doonaa”

Cabdiraxmaan Talyanle waxa uu beeniyay oo uu meesha ka saaray warar sheegayey in aannay shirka ka qaybgalayn garabkoodu. “Aad baannu ugu kalsoonahay, shirka cid noo diidani ma jirto. Hogaankii xisbiga ayaannu nahaywaa u midaysannahay. Ragga kale ee garabkayaga ahi waa gudidii fulinta, kaadirkii xisbiga iyo Xubnaha golaha dhexe aqlabiyaddoodu xagayaga ayey ku badan tahay oo kalsooni baannu ku qabnaa. Kaliya uun waxa aannu doonaynaa masrax loo wada simman yahay oo musharixiinta xisbiga Kulmiye ku tartamaan, in ay si wanaagsan la iskugu afgartana waannu rajaynaynaa”

Shirka golaha dhexe oo bisha soo socota tobankeeda lagu wado in uu ka qabsoomo magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu soo dooranayaa musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne-xigeen iyo maamulka kale ee xisbiga. Kulmiye ayaa u kala jaban laba garab oo ku kala faylsan musharixiin tiro badan oo ku loolamaya labada xil ee ugu sareeya oo ah musharaxa madaxweyne iyo Ku xigeen ee xisbiga Kulmiye matali doona doorashada 2017ka ka qabsoomi doonta gayiga Somaliland.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories