HomeMaxay Ka Wada-hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Weftiuga Dawladda Maraykanka?

Maxay Ka Wada-hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Weftiuga Dawladda Maraykanka?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda dalka Maraykana oo maalmihii u dambeeyey socdaalka ku joogay waddanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay wehelinayaan La- taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Danjiraha Somaliland u qaabilsan Maraykanka Amb Bashiir Good iyo Naasir Maxamed Cali oo ah Agaasimaha Mac’hadka Barashada Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, waxa ay qaabileen weftiga Maraykanka oo ka kooban Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Tipor Nagy, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa dalal kamid ah Galbeedka Qaarada Afrika Danjire J.Peter Pham, Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William Kip Ward iyo Mr Joshua Meservey oo ka socday Hay’adda Heritage Foundation, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka warbaahinta ee Maxkamadda Sare ee Somaliland.

War-saxaafadeedkan ayaa u qornaa sidan: “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo waftiga soo dhaweeyay, ayaa uga xog-waramay kaalinta Hay’adda Garsoorku kaga jirto dhismaha Qaranka iyo dedaalada dib-u-habaynta ee muddooyinkii u danbeeyay ka tisqaaday, kuwaasi oo ay kamid yihiin kor-u-qaadida tayadda aqooneed ee Bahda Garsoorka, fidinta cadaaladda iyo adeega sharci kuwaasi oo ay door weyn ku leeyihiin Maxkamadaha Guurguura. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu uga waramay doorka hoggaaminta dhallinyarada ee Maxkamadaha dalka waxaannu xusay in sannadkii la soo dhaafay oo kaliya ay Maxkamadaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka garnaqeen 21,559 Dacwadood oo si hufan u soo dhammaaday.

Weftiga ka socday dalka Maraykanka ayaa geestooda uga mahadceliyay Guddoomiyaha soo dhawaynta diiran ee uu u sameeyay, waxaanay ka xog-waraysteen qaab-dhismeedka iyo hannaanka Hay’adda Garsoorku u shaqeeyo, waxaannu guddoomiyuhu sharaxaad ka siiyay dhismaha Maxkamadaha kala duwan oo ay kamid yihiin Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Sare iyo dhammaan haykalka guud ee Garsoorka dalka, waxaanu uga xog-waramay madax bannaanida Garsoorka iyo doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan geedi-socodka Qaranka iyo firfircoonida baaxada leh Hay’adda Garsoorka. Gunnaanadkiina waxa uu kulanku ku soo dhammaaday jawi degen.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories