HomeMaxay ka-wada hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wakiilka UK ee Somaliland?

Maxay ka-wada hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wakiilka UK ee Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxa xafiiska Dowladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Hargeysa Mr Stuart Brown, waxaanay labada masuul ka wada hadleen arrimo khuseeya garsoorka iyo Doorashooyinka.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha iyo Wakiilka Dowladda Ingiriisku waxa ayaa ka wada-hadlay doorka garsoorka ee Arrimaha Doorashooyinka iyo qodobbo kale oo la xidhiidha taageerada dowladda UK ee nidaamka Garsoorka ee Somaliland.

blankQoraalka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafisika warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL Aadam Xaaji Cali ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda UK ay waddaagaan, iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa wakiilka kala hadlay in ay xoojiyaan, siin wadaan kaalmadii UK siin jirtay guud ahaan dalka gaar ahaana, hay’adda garsoorka, iyadoo mar walba Somaliland dhankeeda diyaar u tahay horumarinta hay’adda garsoorka oo dhaqaalaha wadanka ka soo baxa hay’adda garsoorka lagu wado, haddana in ay Somaliland hesho kaalmada ay xaqa u leedahay ee UK Adduunkoo dhan siiso.

Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay taageerada ay UK u fidiso hay’adda garsoorka, guud ahaan mucaawinada ay siiso garsoorka iyo hay’addaha kale ee la hal-maala ee soo gala sharciga iyo kala dambaynta (rule of law).

Waxa kale oo guddoomiyuhu uga mahadceliyay is-kaashiyadii hore ay dawladda UK ugu fidisay Somaliland, gaar ahaan serfarada (server) loo isticmaalo dacwadaha (case management) oo si rasmi ah shalay ay u soo wareejiyeen, kuwaasi oo hore maxkamaddaha Hargeysa loogu tijaabiyay sidii mustaqbalka dalkoo dhan loo gaadhsiin lahaa, dhaqaalana loogu raadin lahaa.

blankWakiilka ayaa dhankiisa guddoomiyaha ka waraystay arrinta doorashada iyo arrimaha kale ee wadanka ka socda ee hay’adda garsoorku doorka ku leedahay, waxa kale oo uu uga mahad naqay is-kaashiga wanaagsan ee ay la leeyihiin Hay’adda garsoorka iyo sida haboon ee ay u socoto dib-u-habaynta garsoorku, dadkuna ugu kalsoon yihiin. Waxaanu isla shalay soo wareejiyay serfaradii hore UK ugu deeqday Somaliland.

Wakiilka UK ee Somaliland ayaa sidoo kale balan-qaaday sii wadida kaalmadii hay’adda garsoorka ay siin jireen, isagoo uga waramay guddoomiyaha dib-u-habayn lagu sameeyay xafiisyadii UK kaalmada ku bixin jirtay Adduunkoo dhan, kuwaasi oo hore ugu hawl gali jiray laba magac (DFID iyo FCO) halka imika la mideeyay lagana dhigay Xafiiska horumarinta, arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka  (Foreign Commonwealth and Development Office).” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska xidhiidhka ee Maxkamadda Sare ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net.
Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories