HomeMaxay Ka Wada-hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Itoobiya?

Maxay Ka Wada-hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Itoobiya?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Somaliland Amb Delil Kedir Bushra, kaasi oo booqashadiisii koowaad ku yimid Maxkamadda Sare.

Ujeedada booqashadan ayaa daarnayd is-barasho maadaama safiirku ku cusub yahay safaaradda iyo xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dawladood ay wadaagaan, gaar ahaan wada shaqaynta baaxada leh ee ka dhaxaysa Garsoorka labada dal, waxaanay Guddoomiyaha iyo safiirku hoosta ka xarriiqeen sida ay muhiimka u tahay joogteynta iskaashigaasi soo jireenka ah ee labada waddan, sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare.

Safiirka Dalka Ethiopia, ayaa sidan oo kale kulamo isbarasho ah la qaatay wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan-dhigga, kaddib markiii uu madaxweynaha Somaliland waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay 20-ka bishii March ee sannadkan.

Diblomaasigan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo ah qoomiyadda lixaad ee ugu badan Dalka Ethiopia.

Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo maamul ahaan hoos taga Ismaamulka Shucuubta Koonfureed, ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 1.9 Milyan Qof, waxaana la qiyaasaa in boqolkiiba 51 Dadka Uraagada ahi haystaan Diinta Islaamka. Qoomiyadda Uraagada ayaa lagu tiriyaa inay yihiin Dadka majaraha u haya ama hoggaamiya Ganacsiga Dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories