HomeMaxay ka wada-hadleen Daladda SONSAF iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland?

Maxay ka wada-hadleen Daladda SONSAF iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo uu wehelinayay Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta dalada SONSAF oo ay ku midaysan yihiin ururada bulshada rayidka oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha dallada Anwar Cabdiraxmaan Warsame, kaasi oo ay wehelinayeen xubnaha kale uu daladu.

blankGuddoomiyaha iyo masuuliyiinta dalada ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dardar galin lahaa, wada shaqaynta ururada bulshada. Si kor loogu qaado kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin hab-sami-u-socodka doorashada, beri loo dareerayo. Guddoomiye Aadam waxa uu uga waramay masuuliyiinta dalada SONSAF, doorka hay’adda garsoorku ka qaadanayso geedi-socodka doorashada iyo diyaar garowga qaran ee ay ku jirto, isagoo xusay in ay libin laabeen shaqadii ay bulshada u hayeen, taxadar dheeraad ahna ka sameeyeen hawlaha doorashada, si cabashooyinka iyo dacwadaha ka yimaada loo mariyo dariiqa uu jidaynayo xeerka doorashadu. Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu uga mahad-naqay dalada SONSAF shaqada fiican ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiirigaliyay in ay sii xoojiyaan waxqabadkooda inta ay doorashadu socoto.

Masuuliyiinta dalada SONSAF ayaa iyaguna ka warbixiyay diyaar garawga ay ku jiraan iyo tallaabooyinka ay qaadeen si kor loogu qaado hufnaanta doorashada, waxaanay xuseen in ay sameeyeen guddi hoosaad la shaqaynaysa guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ee KMQ, xarun xog-u-ururin (Call center) si dhow ula shaqaynaya wasaaradda arrimaha gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in ay tababar siiyeen ku dhawaad 900 oo muraaqibiinta doorashada ah, si ay u xooganaato hufnaanta doorashadu.

Ugu danbayn waxay hay’adda garsoorka JSL ku amaaneen diyaar-garowga fiican ee ay sameeyeen iyo marwalba doorka fiican ee ay ka qaataan hawlaha qaranka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories