HomeMaxay Iska Shabahaan Xubnaha Xamar u Xoogsiga Tagey iyo Kuwa Waqooyiga iyo...

Maxay Iska Shabahaan Xubnaha Xamar u Xoogsiga Tagey iyo Kuwa Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ee Waddani ku biiray?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdirasaaq Askar bestXubnaha Xamar u Xoogsiga Tagey : Sidaynu ognahay tiro badan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland ayaa u shaqo tagay Somaliya. Ujeedada ay u tageen marka laga yimaad shaqo taga waxay ku fashilmeen  Siyaasadii Somaliland, markii degaanada iyo beelaha ay kasoo jeedaan ay wax magac iyo muuq  ku yeelan waayeen oo rag Siyaasiyiin ruug cadaa ay degaamo/beelo kazoo wada jeedaani  ay saydareeyeen ama ay dominate gareeyeen, kas badeena guud ahaan bulshada ku nool degaanadooda. Taasi waxay keentay inay cidlo istaagaan oo ay meel ay ku ciirsadaana waayaan, camal la’aan daranina ay daris la noqotay. Illeen meel lagu ciirsadaana. Kadib, waxay isku qanciyeen in ay dalka ka huleelaan oo ay ay miciin bidaan meel ugu yaraan dakhli yari kasoo galo , halkaas oo noqotay dalka aynu dariska nahay ee somaliya . waxaa iyana xusid mudan in kuwa ay u tageena ay ogyihiin ama ka dharagsan yihiin in ayna waxba kusoo kordhin Karin marka la eego xogtaa aan sare kusoo xusay oo ay ka warqabaan. Rag magac iyo maamus aan ku lahayn Somaliland ayay ka warqabaan kuwaa ay u tageen. Waxa intaa isii dheer , si ay iskaga dhaadhiciyaan Hogaamiye kooxeed-yada Somaliya iyo bulshadoodaba islamarkaana joogitaankooda dalkaasi uu u badbaado waxay ku hadaaqaan markay shaashadaha warbaahinta ka hadlayaan midnimada somaliya inay muqadas tahay . qabyaadana inay suulinayaan oo ay ka doorbidayaan qaranimo Somaliya oo dhan.

 

Xubnaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ee Wadani ku biiray: bal kuwana aynu garab dhigno kuwaa sare aynu kusoo xusnay, kuwaa xamar u hayaamay iyaga tiradooda oo badan waxaan ka cudur daaranayaa inaanan magacyadooda mid mid u xusin balse, kuwan waxaan kazoo qaadan doonaa  marka kowaad tiro kooban waana kuwan:  Ismaciil Yar, Abiib timadcad, Ina Jaambiir, Cabdillahi Ciro iyo  kuwa  kale oo aanan xusin ee dhawaanahan ku biiray Wadani . iyagana bal aynu taxliilino maxaa ku kalifay inay Wadani ku biiraan wakhtigan la joogo?  Intaanan hore usii socon waxaan akhristayaasha sharafta leh xusuusinayaa inay Somaliland kazoo gudubtay nidaamkii axdi-qarameedka oo ay u gudubtay nidaamka xisbyada badan ku dhisan markaa waxaynu xisbiyada u furanay in aynu kaga baxno qabyaalada balse, xubnahaa aynu sare ku xusnay waxay mar walba adeegsadaan ereyo aad naxdin u leh oo lidi ku ah dimoqoraadiya dalka ka hirgashay. Hadalada waxaaa kamid ah Qabyaalada ayaanu la dagaalamaynaa !  Qabyaalad ayuu xisbi gaasi ku dhaqmayaa!  Iyo waanagaa musharaxii beeshayada kazoo door bidnay musharaxaa kale ee beesha kale ah! Hadda ragaa oo siyaasiyiin culus isku haysta ayaa beesha ay kazoo jeedaan iyo ta Galbeedka burco kala mid dhigaaya bulsho kala fog( oo sokeeye iyo shisheeye isku ah) sida bulshada Somaliland iyo walaweynta somaliya halka ay kala taagan tahay oo kale .haddaba,  Miyayna marna milicsan hadaynu toodaba u raacno Ruugcadaayada siyaasada Somaliland ee Galbeedka burco kazoo jeeda ee madaxda kulmiye kamid ka ah sida Waran-cade , Cawil , Cadaani oo mar qudha aan laga maqal ereyadaa sare kuxsan ee ay iyagu adeegsadaan.  Aan dib ugu soo noqdo Su’ aashii jawaabteeda oo aan idinla wadaago akhristayaal, waxaan qabaa Odayaashaa aan tilmaamay ee wadani ku biiray inay iska shabahaan kuwaa xamar u shaqo tagay dhawr qodab;  waxay ku fashilmeen siyaasadii dalka , waxay ku fashilmeen kasbashadii bulshada iyo waxgaradka degaanada ay kazoo jeedaan, waxay ka quusteen in ayna degaanadoodu wax kalsooni ah ku qabin.  Waxay muraayadaha ka dheehdeen rag ka mudan oo ay isku degaan yihiin oo degaanadoodu wataan. Lalama tashado arina lama weydiiyo , hantidii ay ummada ka dhaceen wakhtiyo ay qaranka xilal u hayeena gabaabsi ayay noqotay!  Kolkaa maxaa u banaan sida kuwa xamar u shaqo tagay ……. Iyaguna shaqo tage , oo haddii…… haddii…….  Wadani guuleysto fursad ayaa idiinka banaan…./.  sida kuwaa Xamar u shaqada tagay ay ugu horyimaadeen Rabitaankii shacabka ee 97% ay ugu codeeyaan Qaranimo iyo madaxbanaani kadib ,  Xasuuqii ay ku leedeen in kabadan boqol kun oo qof oo kasoojeeda Somaliland sanadihii sideetamaadkii uu kaligigii taliye Afweyne ku eekeysiiyey. Ayaa kuwan wadani tagayna waxay Dhalaycayn iyo xaarantimayn ku sheegaan halgankii dalka lagu xoreeyey ee labada faaido inoo keenay; 1. Heeryadii  afweyne oo aynu iska tuurnay iyo 2. Shacabkii beelaha darafyada iyo beesha dhexe ee afweyne xumaanta kala dhex dhigay oo xumaantii , wanaag ku badashay , heshiiyey oo qaran ay u wada dhan yihiin dhistay. ALLE (SW) ayaana inoo suura galiyey awood maynaan lahay iyo xeelad toona . markaa raga halgankaaa labada faaido aynu ka dhaxalnay hogaaminayey miyeyna inagu lahayn abaal iyo abaal celin? Kuwa dhaleecaynaya calashaan mujaahidnimada ku duraaya iyagana maxaynu ku sheegi karnaa ? waa kuwaa xamar tagay ee khaayimo wadaniyiinta ah kuwaas ayey halkaa kala mid yihiin.

 Gabagabdii; Faaidada kale ee aynu ka dhaxalnay qodobkaa labaad ee sare ku xusan ,  Qabyaaladii ayaa suushay ; shalay ummada Somaliland waxay aqlabiyad ku doorteen Daahir Rayaale , waxay  mar kale  shacabku doorteen  Ahmed Siilaanyo. Manta labada gudoomiye ee ugu sareeya Golaha baarlamaanka Somaliland ee loo doortay  waa xubno kasoo kala jeeda Gobolada  darifyada Somaliland. Taasina waa bisaylka ummadu ay gaadhay. Waxaase wax lala  yaabo ah raga magacyadooda aan dusha ku soo xusay oo u dhaqmaaya sidii rag shisheeye u galay. Sida kuwaa Xamar tagay oo kale.

 

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories