HomeMaxay Dowladda Soomaaliya kaga jawaabtay Go'aanka Kenya ku xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab...

Maxay Dowladda Soomaaliya kaga jawaabtay Go’aanka Kenya ku xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab iyo Kakuma?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankMuqdisho (SLpost)- Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aan dowladda Kenya toddobaadkii hore ku sheegtay inay albaabada u laabayso xeryaha Qaxoontiga Soomaalida ee yaalla dalkeeda kaddib markii ay Qaramada Midoobay u gudbisay amar lagu xidhayo xeryahaas.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay fejaciso ku noqotay go’aanka ka soo baxay dowladda Kenya oo wakhtiga kooban loogu qabtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo gacanta ku haysa xeryaha Qaxoontiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku nool yihiin todonaan kun oo Soomaali ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini’aadanimada, waxaanu ku dooday in in dadka qaxootiga ah ay gudaha Kenya ku joogaan sharci caalami ah oo ay ku qasban tahay inay ilaaliso.

“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan lagama gaadhin, arrimihii Jabhadaha ayaan hadda xalkoodii helnay, markaa haddii lagaaga adkaaday siyaasadda maaha inaad ka aar-goosato dadka qaxoontiga ah,” Sidaas waxa yidhi Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Qaxoontigu waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention, sidaasi darteed Kenya xaq uma laha inay si khasab ah ku celiso qaxoontiga”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, waxa kale oo uu yidhi, “Kenya iyada ayaa faa’iidada ugu badan ka hesha qaxootiga, sannadkiiba waxaa ka soo gala qiyaas ahaan nus bilyan doolar iyadaaba dhaqaale ku qabta marka u maleyn maayo inay dan badan ugu jirto dib u celinta qaxootiga.

Kenya ayaa 14 maalmood u qabatay ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxoontiga ee UNHCR si ay ula timaaddo qorshe lagu xidhayo xeryaha qaxoontiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda arrimaha gudaha Kenya.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in qorshaha xidhitaanka xeryahan Qaxoontiga aan wax wada-hadal laga yeelan doonin.

War ka soo baxay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, aya alagu sheegay in Kenya ay u soo gudbisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xidho xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma. Waxa ay UNHCR sheegtay in go’aankaasi uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Covid-19.

Soomaaliya ayaa hore u xayirtay ganacsigii Qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaas oo dhaqaale badani uga xeroon jiray Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishii December ee sanadkii tagay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Kenya kaddib markii ay sheegtay in ay ku xad gudubtay madaxbannaanideeda oo ay ciidamo kasoo abaabushay xadka u dhexeeya labada waddan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories