HomeMaxay Dowladda Ethiopia ka tidhi Safarka Madaxweynaha Somaliland ku joogo Dalka Jabuuti

Maxay Dowladda Ethiopia ka tidhi Safarka Madaxweynaha Somaliland ku joogo Dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashaday Safarka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Warbixinta toddobaadlaha ah ee (The Horn) oo ay wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Itoobiya ku falanqayso gobalka Geeska Afrika, ayaa shalay lagu soo qaaday Socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay Jabuuti, waxayna sheegtay in Madaxweynuhu uu Jabuuti ku tagay marti-qaad uu ka helay Dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

blankWasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa qoraalka socdaalka Madaxweynaha Somaliland kaga hadashay ku tidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay Jabuuti ku qaabishay soo dhaweyn ay roog cas u dhigtay, ka dib in ka badan toddobaad socdaalkiisii uu ku tagay Kenya ee ka cadhaysiiyey Muqdisho, kaasi oo sababay in xidhiidhada la isku jaro. Madaxweyne Biixi wuxuu Subaxnimadii Arbacada uu Jabuuti socdaal rasmiya oo uu Marti-qaad kaga helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah.”

Dawladda Itoobiya ayaa waxa kale oo ay qoraalkeeda ku sheegtay “Toddobaadkii hore, Madaxweyneyaasha Dawladaha ku bahooday IGAD oo ku kulmay Jabuuti ayaa ka codsaday labada dhinac (Somaliland iyo Soomaaliya) inay sii wadaan Wada-hadallada “Goluhu wuxuu codsaday dib u bilaabista Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu bogaadiyey doorka Madaxda Gobolka ee qabashada iyo fududaynta Wada-hadallada..” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa labadii Toddobaad ee u dambeeyay la socotay dhaqdhaqaaqa diblumaasiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories